Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo go’aamisay in Jubaland laga dhiso Dowlad Goboleed cusub oo ka madax-bannaan Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1746650789817.jpg?resize=720%2C44

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa go’aanno ka soo saaray Shirkii uga socday Muqdisho oo Caawa u soo xirmay.

Warmurtiyeed ka soo baxay Shirka ayay ku sheegeen in ay isla qaateen in ay lagama maarmaan tahay in laga wada qayb-qaato la dagaalanka argagixisada lana garab istaago ciidamada qaranka, islamarkaana waxay adkeeyeen in ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka taas oo aas-aas u ah hanaanka dawaladnimo ee Soomaaliya.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay isku raaceen in maamul-goboleedyadu ay gudiga doorashada kala shaqeeyaan dardargelinta iyo baahinta diiwaangalinta dadwaynaha si loo hirgaliyo doorasho xor iyo xalaal ah, waxaana ay ugu baaqeen dhammaan kooxaha daneeya siyaasadda iney diiwaan gashadaan ururro siyaasadeed matala afkaartooda. 

Dhinacyada ayaa sidoo kale isku raacay in wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ay keento talo iyo soo jeedin xaalada Maamul Goboleedka Jubaland si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka, si loo helo nidaam dawlad Goboleed oo sharci ah. 

Dhinaca kale, waxay sheegeen in la aqoonsaday in SSC-Khaatumo ay tahay xubin ka mid ah dowladaha xubinta ka ah DFS, laguna soo dhammaystiro shirweynaha loo ballansan yahay iyada oo la raacayo dastuurka dalka, waxayna ku baaqeen in Wasaaradda Gudaha Soomaaliya iyo SSC-Khaatumo iska kaashadaan qabashada shirweynaha iyo dhammaystirka SSC-Khaatumo. 

Halkaan ka akhriso Warmurtiyeedka

FB_IMG_1746644250548.jpg?resize=720%2C92 FB_IMG_1746644254312.jpg?resize=720%2C92 FB_IMG_1746644259649.jpg?resize=720%2C92

PUNTLAND POST

The post Villa Somalia oo go’aamisay in Jubaland laga dhiso Dowlad Goboleed cusub oo ka madax-bannaan Axmed Madoobe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this