Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo maalgelinaysa hal-abuurka ganacsi ee Haweenka iyo dhalinyarada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1746686603767.jpg?resize=720%2C67Khadar Ugaas Cabdi

Agaasimaha guud ee Bankiga Puntland, Khadar Ugaas Cabdi ayaa sheegay in ay dhanka maalgelinta ka caawinayaan Haweenka iyo dhalinyarada Puntland ee la yimaada hal-abuur ganacsi oo waxtarleh, si ay shaqa abuur u samaystaan.

Isagoo faahfaahin ka bixinayay hannaanka loo marayo maalgelinta Haweenka iyo dhalinyarada keensada hindise ganacsi uu waxtar leh, si ay shaqa abuur u samaystaan ayuu sheegay in Bankiga dowladda Puntland uu lacago deyn ah ku caawinayo ciddii la timaadda hal-abuur noocaasi ah.

“Waxaan rabnaa in aan awood siino Haweenka iyo dhalinyarada la yimaada hal-abuur ganacsi oo waxtar leh, si ay shaqa abuur u samaystaan, waxaan rabnaa in aan ku maalgelinno fikirkooda hal-abuurka ganacsi, waxaana siin doonaa lacago deyn ah oo ay ku maalgashadaan gabacsigooda, waxaan sidoo kale siin doonaa tababaro iyo la-talin joogtaa sida ugu fiican ee ay uga faa’idaystaan barnaamijkaasi” ayuu yiri Khadar Ugaas.

Agaasime Khadar Ugaas ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu tallaabadaasi u qaaday, si loo helo hal-abuur ganacsi oo horseeda shaqa-abuur, islamarkaana loo yareeyo Saboolnimada iyo Tahriibta dhalinyarada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo maalgelinaysa hal-abuurka ganacsi ee Haweenka iyo dhalinyarada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this