Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo wax laga waydiiyay xaaladaha dalku ku jiro

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20250505-WA0001.jpg
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo wax laga waydiiyay xaaladaha dalku ku jiro iyo sida ay ula muuqdaan ayaa baaq u diray bulshada qaybaheeda kala duwan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed oo warbaahintu wax ka waydiisay sida ay ula muuqato xaaladda guud ee dalka, kadib markii uu jeediyay warbixintii sannadkii 2024 iyo bilaha hore sannadka, ayaa ugu horayn ka warramay marxaladdii adkayd ee doorashada ee dalku soo maray, taasi oo uu ku tilmaamay in wadajir lagaga soo gudbay haddii ay tahay Madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi oo dedaal galiyay sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinkii isasaarka ahaa, ururradii siyaasadda, mucaaradkii, doorkii wanaagsanaa ee garsoorka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo si xadaarad leh uga qayb qaatay qabsoomida doorashooyinkii miisaanka lahaa. Waxanna uu hoga-tusaaleeyay in ay tartan ahayd oo cid uun ku guulaysan lahayd, madaxweynaha horrena dedaalo qiimo badan uu sameeyay.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in cabsida ugu weyn ee xilligaa la qabay ay salka ku haysay faragalin cadaw shisheeye oo qaranka naafeeya, taasina lagaga soo gudbay isku duubni. Hase yeeshee ay wali jiraan caqabado iyo duruufo adag oo u baahan in wadajir looga gudbo, waxa uu xusay in dedaadalada uu samaynayo Madaxweynaha cusub ee muddada kooban joogay lagu barbar istaago.
Geesta kale guddoomiyaha oo wax laga waydiiyay sida ay ula muuqato madax-dhaqameedka hawada isku marinaya haddalada bulshada kala kaxaynaya ee naca abuuraya ayaa sharaxaad ka bixiyay sooyaalka madax-dhaqameedka dalka tan iyo 1991 kuwaasi oo uu sheegay saxeexii lagu aasaasayay dalka ay ku jireen 9 suldaan oo dalka kasoo saaray marxaladdo adag halka uu xusay in muddo kooban oo dhawr iyo soddon sanno ah ay ku samaysmeen boqolaal suldaan oo jufo kasta ay samaysatay suldaan iyo caaqil, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay caqabad isku noqdeen. Guddoomiyuhu wuxuu soo jeediyay in madax-dhaqameedku aanay siyaasadda ku milmin ee cid walba hawsheeda loo daayo haddii ay tahay madax-dhaqameedka, haddii ay tahay siyaasiyiinta iyo haldoorka kale ee bulshada, gaar ahaan beesha dhexe oo uu sheegay in hadda buuqu ka taagan yahay dhexdooda, muddana uu soo jiitamayay, waxanna uu xusay isaga oo ka duulaya masuuliyadda qaran ee saaran iyo damiirkiisa qofnimo in ay ula muuqato in wada-tashi iyo shir ay iskugu yimaadaan dhammaan madax-dhaqameedka Somaliland, kaasi oo lagu saxayo arrinka qaloocday ee abuuraya in jiilasha ay is nacaan oo kala irdhoobaan.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay in shirkii Boorama ee madax-dhaqameedku isugu yimaadeen horumar iyo wanaag uu horseeday, sidaa awgeed beesha reer sheekh isxaaq ay u baahan yihiin shir iyo wada-tashi in ay isugu yimaadaan isagoo xusay in mashkiladdu hadda iyaga ka taagan tahay haddii ay tahay is dhaleecayn, isku jawaabid iyo is barbar yaac. Waxa uu sheegay in guud ahaan Soomaalida iyo beelaha kale ee Somaliland la degan wax sidooda u dhaqmayaa aanu jirin. waxana uu soo jeediyay in beelaha is ridinaya maahee kuwa kale ee reer sheekh isaxaaq ee Ayuub iyo Tol-jecle ay gogol fidiyaan la isku laab-xaadhanayo oo kuwii wax kala tirsanayaana ay halka ku heshiiyaan, oo madal dhaqan ay samaystaan.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay in muddo dheer aanay shirin oo shir iyo wada-tashi ay isugu yimaadaan ay ugu danbaysay kii Madaweyn ee dhawr iyo siddeetamaadkii. Shirkan haddeerna ay kasoo qayb galiyaan dhammaan beelaha kale ee walaalahood ee dalka la leh.
Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu warbaahinta iyo madalaha kale ee lagu wada-xidhiidho ugu baaqay in ay wanaaga ka shaqeeyaan, oo hadalada xanafta leh ay ka baaqsadaan. Guud ahaana dadka waxa uu ugu baaqay in ay ogaadaan in haddaladoodu kaydka galayaan oo haddii uu wanaag yahayna isagoo dhintay dib loo isticmaali karo haddii uu fitno yahayna isagoo dhintay balaayo loo adeegsan karo.
Allaa mahad leh

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this