Sign in to follow this  
Deeq A.

Ukraine oo xalay weerar aan hore loo arag ku qaaday Moscow

Recommended Posts

Deeq A.   

Ruushka ayaa sheegay in Ukraine ay qaaday weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), oo lagu bartilmaameedsaday magaalada Moscow habeenkii xalay – taasoo noqoneysa habeenkii labaad oo isku xiga oo weerar noocan ah la fuliyo.

Hay’adda duulista hawada ee Ruushka, Rosaviatsia, ayaa ku sheegtay barteeda Telegram in afarta garoon diyaaradeed ee waaweyn ee caasimadda Moscow si ku-meel-gaar ah loo xiray si loo hubiyo bad-qabka dadka garoomadaasi adeegsanaya.

Duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin, ayaa ku sheegay baraha bulshada in ugu yaraan 19 diyaaradood oo drones ah oo laga soo direy Ukraine la burburiyey kahor inta aysan magaalada gaarin, iyagoo ka imaanayey jihooyin kala duwan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah burburka diyaaradaha ay ku dhaceen mid ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada soo gala, balse aysan jirin wax khasaare ah oo nafeed.

Marka laga reebo Moscow, guddoomiyeyaasha gobollada kale ee Ruushka sida Penza iyo Voronezh ayaa la sheegayaa in lagu weeraray drones habeenkii Isniinta ilaa xalay.

Warar aan la xaqiijin oo ay baahiyeen milatariga Ruushka ayaa sheegay in daaqadaha guri ku yaalla koonfurta Moscow ay burbureen kadib weerarka.

Tani waa habeenkii labaad oo xiriir ah oo Ruushka uu sheegayo in Ukraine ay qaaday weerar drone ah – Isniintii, wasaaradda difaaca Ruushka ayaa sheegtay inay burburiyeen 26 diyaaradood oo drones ah oo Ukraine leedahay.

Tan iyo markii Ruushku si buuxda u bilaabay duullaanka Ukraine saddex sano ka hor, Kyiv waxay dhowr jeer ku qaaday Moscow weerarro drone ah.

Bishii Abriil, Moscow waxay sheegtay in ay dib ula wareegtay gacan ku haynta guud ahaan gobolka Kursk.

Xigashada Sawirka,Reuters

Qoraalka sawirka,Bishii Abriil, Moscow waxay sheegtay in ay dib ula wareegtay gacan ku haynta guud ahaan gobolka Kursk.

Arrintan ayaa timid kaddib warbixino Isniintii la helay oo sheegayay in Ukraine ay markale isku dayday inay soo gasho gobolka Kursk ee Ruushka.

Kyiv ayaa sheegtay in ay Axaddii beegsadeen unug xukuma diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) oo ku sugan gobolka Kursk, meel u dhow tuulada Ruushka ka tirsan ee Tyotkino, sida uu sheegay taliska guud ee Ukraine.

Bishii Abriil, Moscow waxay sheegtay in ay dib ula wareegtay gacan ku haynta guud ahaan gobolka Kursk, sagaal bilood kadib markii ciidamada Ukraine ay si lama filaan ah u galeen gobolkaas. Hase yeeshee Kyiv ayaa ku adkeysanaysa in ay wali ciidamo ka hawlgalaan gudaha xadka Ruushka.

Sidoo kale gobolka Kursk, mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in xarun koronto oo ku taalla magaalada Rylsk ay korontadu ka go’day Isniintii kadib markii ay waxyeello kasoo gaartay weerar ay Ukraine geysatay.

Laba matoor oo ka mid ah kuwa xaruntaas ayaa la waxyeelleeyay, sida uu sheegay guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee gobolka Kursk, Alexander Khinshtein, oo warkaan ku baahiyay bartiisa Telegram.

Wuxuu intaas ku daray in laba dhallinyaro ah ay ku dhaawacmeen qaraxa, kadib markii uu heleelay firir.

Milatariga Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Ukraine ay isku dayeen in ay galaan tuulada Tyotkino, iyagoo baahiyay sawirro aaney weli xaqiijin BBC –du oo muujinaya baabuurro jebinaya xayndaabyadii taangiyada ee xadka la dhigay.

Isniintii, sida ay sheegeen, ciidamada Ukraine gantaallo ayaa lagu tuuray xadka waxayna adeegsadeen gawaari khaas ah si ay uga gudbaan meelaha miinooyinka lagu aasay.

“Cadowgu wuxuu habeenkii ku qarxiyay buundooyinka gantaallo, wuxuuna aroortii ku qaaday weerar kooxo gaashaaman ah,” ayuu yiri mid k amid ah milatariga Ukarine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Baabuurta miino-baarista ayaa bilowday inay jid ka sameeyaan meelaha miinooyinka lagu aasay, waxaana daba socday gaadiid dagaal oo ciidamo wada. Dagaal culus ayaa ka socda xadka.”

Bayaan ay Ukraine soo saartay Isniintii ayaa lagu yiri: “Sagaal bilood kadib markii ay billowday hawlgalka Kursk, Ciidamada Difaaca ee Ukraine waxay weli joogaan iyagoo milatari ah ku gobolka Kursk ee Ruushka.”

Inkasta oo aysan jirin wax war rasmi ah oo kasoo baxay Moscow, haddana milatariga ayaa baahiyay khariirado muujinaya in labada dhinac ay isku dayayaan inay xadka kasoo gudbaan laba meelood oo u dhow Tyotkino – halkaas oo fadhiisin u ahayd unugga drones-ka ka shaqeeya ee la beegsaday.

Dhinaca kale, magaalada Sumy – oo qiyaastii 12-kiiloo mitir u jirta xadka Tyotkino ee waqooyi-bari Ukraine – ayaa mas’uuliyiinta deegaanka ugu baaqay dadka inay ka baxaan laba tuulo, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Reuters.

Ukraine waxay markii ugu horreysay weerarkan lama filaanka ah ku qaaday Kursk bishii Agoosto 2024-kii, si ay u abuurto aag difaac ah oo ay ka ilaaliso Sumy iyo deegaannada ku dhow, isla markaana ay ku gorgortanto mustaqbalka.

Bbcsomali

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this