Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox hubeysan oo laba qof ku dishay Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabley hubeysan ayaa habeenimadii xalay laba nin ku dilay gudaha hotel ku yaalla bartamaha magaalada Garoowe, caasimadda Puntland.

Falkan naxdinta leh ayaa dhacay xilli fiid ah, iyadoo wararka hordhaca ah sheegayaan in mid ka mid ah ragga la dilay uu ahaa waardiye ka howlgalayay hotelka.

Ciidanka ammaanka ee Garoowe ayaa si degdeg ah uga falceliyay dhacdada, waxayna sheegeen in ay bilaabeen baaritaanno lagu daba joogo kooxdii weerarka fulisay.

Sida ay sheegeen saraakiisha booliiska, dableydu waxay ka baxsadeen goobta markii ay geysteen dilka, iyagoo aan weli la aqoonsan.

Dilka ayaa cabsi hor leh ku abuuray dadka deegaanka, iyadoo shacabka qaar ay muujiyeen walaac ballaaran oo la xiriira ammaanka magaalada, gaar ahaan bartamaha Garoowe oo ah goob muhiim ah oo ay ku yaallaan xarumo ganacsi iyo hoteello badan.

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this