Deeq A. Posted 20 hours ago Dowladda Iran ayaa soo bandhigtay Gantaal cusub oo balaastig ah, kaas oo gaari kara masaafo dhan 1,200 oo KM, islamarkaana awood u leh inuu ka baxsado qalabka lidka gantaallada Gantaalkan oo lagu magacaabo Qasem Basir ayuu Wasiirka Difaaca ee Iran ku tilmaamay mid u adkeysanaya dagaalka Elektrooniga ah, isla markaana dhaafi karo habka gantaalada lidka ku ah, isagoo ku daray in aanu isticmaalin habka GPS-ka, isla markaana uu awood wayn u leeyahay in uu dhaqdhaqaaqo oo uu bartilmaameedsado goobaha loogu talo-galay. Soo bandhigidda gantaalka ayaa ku soo beegmaysa xilli xasradda Bariga dhexe ay cirka isku sii shareerayso, islamarkaana Iran iyo kooxaha ay taageertaahi ay kaalin weyn ku leeyihiin hardanka aan dhammaan ee gobolka. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites