Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Puntland oo gacanta kusoo dhigay eedeysanayaal loo heysto dil ka dhacay Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa xaqiijiyey in laamaha amniga ay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo labo eedeysane oo loo haysto dil ka dhacay magaalada Garoowe habeen hore.

Falkaan dilka ah ayaa dhacay abbaare 2:00 habeenimo, bannaanka hore ee Hotel ku yaala Garoowe, waxaana lagu dilay laba ruux oo midkood uu ahaa waardiye ka tirsanaa shaqaalaha hotelka.

Dabley hubeysan ayaa falkan geystay kadibna ka baxsaday goobta.

Ciidanka Booliska oo kaashanaya Laanta Dambi-baarista (CID) ee Gobolka Nugaal ayaa isla markiiba bilaabay howlgallo baaris iyo raadraac ah. Natiijada baaritaankaasi ayaa keentay in la qabto labo ruux oo hadda loo haysto falkaasi, kuwaas oo ku jira gacanta CID-da, iyadoo baaritaanka rasmiga ah uu ku socdo.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu shacabka ugu baaqay in ay si buuxda ula shaqeeyaan laamaha amniga, gaar ahaan marka ay jiraan dhacdooyin culus oo sidaan oo kale ah, si loo sugo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka.

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this