Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Xuutiyiinta maanta ka sameeyeen Israel, maxaase ka dhacay garoonka Tel Aviv?

Recommended Posts

Deeq A.   

Tel Aviv (Caasimada Online) – Gantaal Axadda maanta ah ku dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ugu weyn Israel, Ben Gurion, ayaa sababay dhaawaca lix qof, hakiyay duulimaadyadii, isla markaana sameeyay god ballaaran — weerar ay sheegteen fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran.

Milatariga Israel ayaa sheegay in la sameeyay “isku dayo dhowr ah” oo lagu doonayay in hawada lagu qabto gantaalka laga soo riday Yemen — weerar naadir ah oo fallaagada Xuutiyiintu ku suurtagaleen inay ka gudbaan difaacyada cirka ee Israel.

Muuqaal uu baahiyay booliiska Israel ayaa muujinaya saraakiil taagan agagaarka god qoto dheer oo gadaal ay ka muuqata taallada kantaroolka. Ma jirto wax khasaare ah oo la soo wariyay oo gaaray dhismayaasha ama jidadka diyaaradaha ee garoonka.

Booliisku waxay xaqiijiyeen in “gantaal uu ku dhacay” garoonka Ben Gurion, oo ah xarunta ugu weyn ee duulimaadyada caalamiga ah ee Israel.

Weriye ka tirsan AFP oo goobta joogay ayaa sheegay in gantaalku ku dhacay meel u dhow baarkinka Terminal 3 — qeybta ugu weyn ee garoonka — iyadoo godka uu ka sameeyay uusan ka fogayn hal kiiloomitir (0.6 mayl) dhanka dhabbaha diyaaradaha.

“Tusaale ahaan, waxaad arkeysaa goobtan gadaal naga xigta: godkan balaaran ayaa halkan ka sameysmay, wuxuuna gaarayaa tobanaan mitir ballac iyo qoto ah,” ayuu yiri taliyaha booliska bartamaha Israel, Yair Hezroni, oo ka muuqday muuqaal ay baahiyeen ciidamadiisa.

Weli lama caddeyn in saameynta uu sababay gantaalka la riday ama mid difaac ah oo lagu qabtay.

Weerarka waxaa sheegtay Xuutiyiinta Yemen, kuwaasoo ku andacoonaya inay taageerayaan shacabka Falastiin ee ku hooban dagaalka Gaza.

“Guutada gantaalka ee ciidamada Yemen waxay fuliyeen howlgal milatari oo lagu beegsaday garoonka Ben Gurion, waxaana loo adeegsaday gantaal xawaare sare leh,” ayaa lagu yiri bayaan ay Xuutiyiintu soo saareen.

Hay’adda gurmadka degdegga ah ee Magen David Adom ee Israel ayaa sheegtay inay daweysay ugu yaraan lix qof oo qaba dhaawacyo fudud ilaa kuwo dhexdhexaad ah.

Weriye AFP ah oo ku sugnaa gudaha garoonka xilligii weerarka ayaa sheegay inuu maqlay “dhawaq aad u culus” abbaaro 9:35 subaxnimo (0635 GMT), isagoo xusay in “gilgilashada ay ahayd mid aad u xooggan.”

“Saraakiisha ammaanka ayaa isla markiiba amray boqolaal rakaab ah in ay galaan meelaha gabbaadka, kuwa qaarna waxay u hoydeen godad dhulka hoostiisa ah,” ayuu intaas ku daray.

“Rakaab badan ayaa hadda sugaaya duulimaadyo, halka kuwo kale ay raadinayaan diyaarado kale oo ay ka dhoofaan.”

Duulimaad Air India ah oo soo socday ayaa loo weeciyay Abu Dhabi, sida uu AFP u sheegay sarkaal garoonka ka tirsan.

Qof rakaab ah ayaa sheegay in weerarku, oo dhacay wax yar kadib markii qaybo ka mid ah dalka laga maqlay digniin duqeyn, uu sababay argagax.

“Waa wax laga xumaado in la yiraahdo tan iyo 7-dii Oktoobar waan la qabsannay arrimahan,” ayuu yiri rakaabkaasi oo codsaday in aan la magacaabin, isagoo xusaya weerarkii Xamaas ee 2023 oo sababay dagaalka Gaza.

“Gantaal kasta wuu iman karaa mar kasta, noloshana si ku meel gaar ah ayay u istaagtaa. Maanta garoonka waxaa ka dhacay argagax, anigana waan baqay, maxaa yeelay qaraxu aad buu u xooganaa.”

Ballanqaad aargoosi

Maamulka garoomada Israel ayaa sheegay in “duulimaadyadii dib u bilaabmeen” garoonka Ben Gurion wax yar kadib markii ay hakad galeen.

“Garoonku wuu furan yahay wuuna shaqeynayaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda duulista hawada Israel.

Wasiirka difaaca Israel, Israel Katz, ayaa hanjabay in ay jawaab adag ka bixin doonaan weerarka: “Qof kasta oo na weerara, annaguna toddoba laab ayaan ugu jawaabi doonaa.”

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran, kuwaas oo maamula qaybo badan oo dalkaas ka mid ah, ayaa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weeraray Israel iyo maraakiibta maraysa Badda Cas tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza, iyagoo sheegay in weeraradoodu yihiin mid ay ugu hiilinayaan shacabka Falastiin.

Sabtidii, Xuutiyiintu waxay sheegeen inay fuliyeen weerarkoodii saddexaad oo gantaal ah laba maalmood gudahood.

Inta badan gantaallada ay Xuutiyiintu rideen tan iyo bilowgii dagaalka Gaza waxaa qabtay difaacyada cirka ee Israel.

Xuutiyiinta ayaa hakiyay weerarradoodii intii lagu jiray xabbad-joojintii laba bilood ahayd ee dhawaan laga gaaray Gaza.

Hase yeeshee bishii Maarso ayay ku hanjabeen inay dib u bilaabi doonaan weerarrada ka dhanka ah maraakiibta caalamiga ah, iyagoo ku sababeeyay xannibaadda Israel ay ku hayso gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza.

Arrintaasi waxay keentay in milateriga Mareykanka uu bilaabo weerarro joogto ah oo la beegsado fallaagada Yemen laga bilaabo 15-kii Maarso, si loo joojiyo khatarta ay ku hayaan gaadiidka badda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta waxay bilaabmeen xilligii madaxweyne Joe Biden, balse si aad ah ayay u kordheen markii Donald Trump xilka la wareegay.

Tan iyo bishii Maarso, Mareykanka ayaa sheegay inuu beegsaday in ka badan 1,000 bartilmaameed oo ku yaalla gudaha Yemen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this