Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Guddoomiye degmo oo amar ku bixiyey in la weeraro mucaaradka DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir oo maanta hadal kulul jeediyay ayaa soo saaray amar culus oo ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Faarax Cadaani ayaa shacabka degmada Kaaraan faray inay beegsadaan dadka mucaaradka ah ee degmadaas ku sugan, isaga oo kula taliyay inay tallaabo ka qaadaan.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadkaasi ay u adeegaan argagixisada, ayna kasoo horjeedaan horumarka iyo dowladnimada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shacabka ay u fasaxan yihiin inay weeraraan oo ay guryaha ugu daataan, ama ay kusoo xiraan saldhigga degmada.

“Qofka mucaarad ku ah Dowladda Gurigiisa ku weerara, Dila maqaro u qaata waad u fasaxan tihiin, argagexiso ayaa soo dirtay, lafaha ka tuma, Degmada Karaan ma degna ruux sidaas oo kale ah hadii ay dhacdadana waa inaad soo xirtaan oo saldhiga keentaan aadna garaacdaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Faarax Caddaani.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Degmada Kaaraan nin dowladda mucaaradaayo oo been sheegaayo haddii uu deganaado mas’uuliyadda idinka ayaa qaadaayo shacabka,”.

Dhinaca kale, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in la diido diiwaan-gelinta ka socda degmooyinka gobolka oo uu xusay inay tahay fursad muhiim ah oo awoodda loogu soo celinayo shacabka Soomaaliyeed, si ay usoo doortaan dadka berri hoggaaminaya.

Cadaani ayaa horay qayb uga ahaa doorashadii hoore ee May, 2022-kii, waxaana lagu xasuustaa in isaga oo ahaa taliyaha saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid inuu ku biiray ciidankii Badbaado Qaran, kadibna uu kasoo jeestay aagga Miranaayo halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo badan oo xilligaas kasoo horjeestay madaxweynihii hore Farmaajo.

Hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa dhaliyay hadal-heyn iyo carro xooggan, maadaama uu ku baaqay in la weeraro xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqa ka wada Muqdisho, kana soo horjeedo hannaanka loo wado doorashada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this