Sign in to follow this  
Deeq A.

DF iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay Puntland + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in duqeyn ay iska kaashadeen iyada iyo Mareykanka ay ka dhacday aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo culus ka dhan ah kooxda Daacish.

Wasaaradda Gaashaandhigga dalka ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta lala beegsaday bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen maleesshiyaadka Daacish,iyada oo sheegtay in la gaarsiiyay jab culus.

Sidoo kale waxa ay Wasaaraddu intaasi ku dartay in xubno badan lagu laayay, laguna dhaawacay weerarka cirka ah ee ka dhacay buuraha gobolka Bari ee Puntland.

“Subixii hore annaga oo kaashaneyno taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, waxaan duqeymo ka fulinay Puntland, goob ay ku sugnaayeen Daacish, khasaare ayaa ka dhashay weerarka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga.

Waxaa kale oo ay Dowladda Federaalka boggaadiyay iskaashiga milatari ee haatan kala dhexeeya Mareykanka, iyada oo ballan qaaday inay sii ballaarin doonto, si ay usii socdaan howlgallada wadajirka ah ee ay ugu qaadaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa iskaashigan, waxayna xaqiijinaysaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka adkaano argagixisada” ayaa mar kale lagu yiri.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, saacado uun, kadib markii shalay ciidamada Puntland ay ka hortageen weerar ismiidaamin ah oo ay kooxda Daacish ku qaaday fariisimo ay ku leeyihiin aagga aagga Ceelka GuryoSamo oo aad ugu dhow deegaanka Dhasaan, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa qaarkood waxa ay isku qarxiyeen bannaanka xerada, halka kuwii kale ay toogteen ciidamada, sida uu sheegay sarkaal sare oo u hadlay Daraawiishta Puntland.

“Tiro kamid ah argagixisada ayaa is qarxiyay ka hor inta aysan soo gaarin difaacyadii hore ee ciidamada, waxaana ciidamadu toogasho ku dileen dhammaan intii soo hartay oo isku dayay in ay weerar toosa fuliyaan, kuwaasi oo meydadkooda la soo bandhigay markii waagu baryo” ayuu yiri sarkaal ka tirsan guutada labaad ee ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Dhasaan.

Horay sidaan oo kale Puntland ayaa uga hortegtay weerar is-miidaamin ah oo ay soo abaabushay kooxda Daacish, kaas oo ay la damacsaneyd ciidamadii la wareegay  Togga Miraale, waxaana la fashiliyay weerarkaas,, iyada oo la laayay xubnihii abaabulayay/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this