Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii u hanjabay mucaaradka oo mar kale soo hadlay + Video

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Kaaran, Faarax Cadaani oo galabta shir jaraa’id ku qatay xafiiskiisa ayaa mar kale ka hadlay khudbad carro xooggan dhaliyay oo uu maanta jeediyay, isaga oo bixiyay raallgelin buuxda.

Guddoomiye Cadaani ayaa goor sii horreysay si toos ah weerar ugu qaaday xubnaha mucaaradka, isaga oo amar ku bixiyay in lagu weeraryo guryahooda, taas oo abuurtay xasaasiyad wayn.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay u adeegaan argagixisada, ayna kasoo horjeedaan horumarka iyo dowladnimada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Qofka mucaarad ku ah Dowladda Gurigiisa ku weerara, Dila maqaro u qaata waad u fasaxan tihiin, argagexiso ayaa soo dirtay, lafaha ka tuma, Degmada Karaan ma degna ruux sidaas oo kale ah hadii ay dhacdadana waa inaad soo xirtaan oo saldhiga keentaan aadna garaacdaan” ayuu goor sii horeysay yiri Guddoomiyaha Degmada Kaaraan.

Intaas kadib guddoomiyaha oo mar kale soo hadlay ayaa raalligelin rasmi ah ka bixiyay hadalkiisa, wuxuuna ka cudur daartay khaladka maanta ka dhacay.

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo oo maanta waddo xarig jar ah oo khudbad aan ka jeediyay oo si kale loo dhigay waxaan caddeynaa haddii ay khaladaad ahayd inaan raalligelin ka bixiyo dhammaan wax allaale iyo wixii dhib loo arkay” ayuu yiri Cadaani.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Cid aan ula jeeday ma jirto cid gooni aan u dulminaayana ma jirto waxaan mar labaad iyo mar saddexaad leeyahay in hadalkaas oo dhibka loo arkay inaan raalligeli ka bixshay”.

Cadaani ayaa horay qayb uga ahaa doorashadii hoore ee May, 2022-kii, waxaana lagu xasuustaa in isaga oo ahaa taliyaha saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid inuu ku biiray ciidankii Badbaado Qaran, kadibna uu kasoo jeestay aagga Miranaayo halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo badan oo xilligaas kasoo horjeestay madaxweynihii hore Farmaajo.

Hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa dhaliyay hadal-heyn iyo carro xooggan, maadaama uu ku baaqay in la weeraro xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqa ka wada Muqdisho, kana soo horjeedo hannaanka loo wado doorashada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this