Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa la kala shakiyay: Israa’iil iyo Qadar oo isku maandhaafay xiisadda Qasa

Recommended Posts

Deeq A.   

 

7a0ef950-28c7-11f0-8c66-ebf25fc2cfef.jpg

Israa’iil ayaa dawladda Qadar ku dhalleecaysay doorka laba geesoodka ah ee ay ka ciyaarayso dhexdhaadinta Xamaas iyo Israa’iil iyo dadaallada xabbd-joojinta.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay in la gaadhay xilligii Qadar ay joojin lahayd hadalkeeda laba wajiilaynta ah. Waxaana uu intaasi ku daray in Qadar ay la gudboon tahay in ay la safato “ilbaxnimada”, haddii kale ay doorato “waxashnimada Xamaas”.

Majed Al-Ansari oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa gaashaanka u daruuray eedaymaha dawladdiisa ka dhanka ah, waxaana uu xusay in warka ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu yahay mid anshaxa ka madhan, sidoo kalana uu ka dhigan yahay heerka ugu hooseeya ee mas’uuliyadda siyaasadeed.

Qoraalkiisa ayuu si aad ah ugu duray sheegashada Israa’iil ee ku aaddan difaacidda ilbaxnimada isaga oo ku eedeeyay in gradarrada ka dhanka ah Qasa iyo gaboodfallada dadka ratidka ah ay xasuusinayso sheegashooyin noocooda ah oo taariikhda hore u galay.

Afhayeenka oo la garnaqsanaya Israa’iil ayaa hadalkiisa raaciyay weydiintan “ugu yaraan 138 la haystayaal ma waxa lagu sii daayay awood ciidan mise waxa ay ku timid dhexdexaadin la sameeyay?”

Al-Ansaari waxa uu carrabka ku adkeeyay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Qatar oo ku salaysan mabaadi’ aan u oggolaanayn in ay ka hor yimaaddaan doorkooda dhexdhexaadinta oo sida uu sheegay ku dhisan “daacadnimo oo la isku halleyn karo”. Waxaana uu sheegay in dacaayadaha raqiiska ah aanay ka hor istaagayn ilaalinta xuquuqda dadka iyo qaynuunka caalamiga ah.

Hadalka Netanyahu ayaa yimid kaddib markii Qadar ay Jimcihii ay maxkamadda caalamiga ah ee Hague ka hor sheegtay in Israa’iil ay xasuuq ku hayso Falastiiniyiinta ku nool Marinka Qasa.

Hawlgal ballaadhan oo ka socda Qasa

Gaza

Xigashada Sawirka,Reuters

Dhinaca kale, warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay in milatarigeedu ay soo saareen amarro ay ugu yeedhayaan kumannaan askari oo kayd ah si ay u taageeraan duullaanka ay ka wadaan Qasa, kaddib markii uu raysal wasaaraha Israa’iil ku dhawaaqay in uu dib u dhigay booqashadiisa soo socota ee Asarbayjaan.

Sida laga soo xigtay Yedioth Ahronoth, askarta kaydka ah ayaa la geyn doonaa xadka Israa’iil ay la wadaagto Lubnaan iyo Daanta Galbeed ee la haysto, iyagoo beddelaya askar joogta ah oo hoggaamin weerar hor leh oo ku wajahan Qasa, sida uu wargayskaasi sheegay.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca millateriga, balse wakaaladda wararka ee France Press ayaa sheegtay in ehellada warfidyeenkeedu ay ka mid ahaayeen dadka la siiyay amarrada abaabulka

Sida laga soo xigtay maamulka warbaahinta Israa’iil, golaha amniga Israa’iil ayaa lagu wadaa in ay kulmaan maanta si ay u ansixiyaan duullaanka millitari oo intii hore ka ballaadhan.

Xafiiska Raysal wasaaraha Israa’iil ayaa hore u shaaciyay in Benjamin Netanyahu uu dib u dhigi doono booqashadiisa Azerbaijan, oo la qorsheeyay 7-11-ka bishan May, isaga oo ku sababeeyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Gaza iyo Suuriya.

Xafiiskiisa ayaa sidoo kale laga soo xigtay “Jadwal diblomaasiyadeed iyo mid amni” oo aan la shaacin wakhtigooda rasmiga ah laakiin la filayo in ay la xidhiidhaan kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne Ilham Aliyev.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay Jimcihii in golaheeda amnigu ay ansixiyeen qorshayaasha hawlgal ballaadhan oo laga fulinayo marinka Qasa.

Maxaan ka ognahay xaalka lahaystayaasha?

Gaza

Xigashada Sawirka,ABIR SULTAN/EPA-EFE/REX/Shutterstock

Mid ka mid ah lahaystayaasha oo haysta dhalashada Ruushka iyo Israa’iil oo dhaawacmay ayaa dhaawaciisa ku sababeeyay duqaymaha cirka ee Israa’iil, sida laga arkay muuqaal cusub oo ay soo saareen guutada Izzad-Din al-Qassam, oo ah garabka millateri ee Xamaas.

Muuqaalkan oo la sii daayay Sabtidii, ayaa waxa ka muuqday nin jiifa oo dhaawacan, oo faashado dhiig ahi kaga xidhan yihiin madaxa iyo gacanta bidix. Kaddibna waxa la arkay muuqaal kale oo ay ku jiraan rag Xamaas ka tirsan oo qodaya burburka si ay u soo badbaadiyaan, ka hor inta aanu muuqaalka ka soo bixin lahayste kale oo lagu magacaabo “Bar.”

La haystaha dhaawaca ah ayaa ku hadlay luqadda Cibriga oo ay ka muuqato lahjad Ruush ah, isagoo sheegtay in uu yahay “Maxbuus lanbar. 24.” Waxa uu sharraxay duqaymaha Israa’iil ay halkaasi ka gaysanayso iyo sida ay u saameeyeen.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay in la haystahaasi uu yahay Maxim Herkin, oo 37 jirsaday dhammaadka bishan. Qoyskiisa ayaa soo saaray bayaan ay ka ga codsanayaan warbaahinta aanay baahin muuqaalka Xamaas.

Dilka siddeed qof oo isku qoys ah

Gaza

Xigashada Sawirka,Reuters

Afhayeenka difaaca madaniga ah ee Gaza, Maxamuud Basal ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in 11 falastiiniyiin ah lagu dilay Sabtidii duqaymo ay diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen guriga qoyska al-Bayram oo ku yaalla deegaanka al-Hawouz ee badhtamaha Khan Yuunis ee koonfurta marinka Qasa.

Waxa uu xusay in siddeeda qof ee dhintay oo dhammaantood hal qoys ka soo jeeday ay ku jireen gabar iyo wiil hal sano jir ah iyo sidoo kale ilmo hal bil jir ah.

Sida laga soo xigtay muuqaal uu baahiyay Difaaca Madaniga ah, samata-bixiyayaal iyo dad rayid ah adeegsanaya toosh si ay uga baadhaan dadka laga yaabo in ay ku hoos jiraan burburka ayaa soo bixiyay ilmo carruur ah.

Milateriga Israa’iil ayaa xaqiijiyay duqeynta, iyagoo sheegay in ay bartilmaameedsadeen waxa ay ugu yeedheen “argagixisada Xamaas ah”, bal se ma ay bixin faahfaahin dheeraad ah.

Difaaca madaniga ah ayaa intaa ku daray in shaqaalahoodu ay meydad iyo dhaawac ka soo saareen bartilmaameedka guriga qoyska Zarab ee ku yaala deegaanka Batn al-Sameen, ee koonfurta Khan Yuunis.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this