Sign in to follow this  
Deeq A.

SOMALILAND oo si yaab leh uga jawaabtay xayiraada DF ee baasaboorka Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa si kulul u cambaaraysay go’aanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku mamnuucday baasaboorka Taiwan, iyada oo arrintaasi ku sheegtay mid aan sharciyad ku fadhiyin isla markaana farogelin ku ah arrimaha gudaha Somaliland.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Somaliland ay si cad uga soo horjeedo xayiraaddaas, taas oo dhacday 22-kii Abriil 2025. Sidoo kale, waxa lagu adkeeyay in Soomaaliya aysan wax awood ah ku lahayn maamulka hawada Somaliland, maadaama ay Somaliland si madax-bannaan u maamusho hawadeeda.

Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in tallaabadaasi ay halis ku tahay xasilloonida gobolka iyo nabad ku wada noolaanshaha, iyadoo lagu tilmaamay isku day siyaasadeed oo lagu faragelinayo madax-bannaanida Somaliland.

“Xidhiidhka Somaliland la leedahay Taiwan waxa uu ku dhisan yahay is-ixtiraam iyo mabaadi’da xeerarka caalamiga ah,” ayaa lagu caddeeyay qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Isku day kasta oo lagu diiddan yahay dookha siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan dhanka siyaasadda arrimaha dibadda, lama aqbali karo.”

Dhanka kale, Dowladda Taiwan ayaa iyaduna si adag uga jawaabtay xayiraadda, iyadoo ku tilmaantay mid ay Soomaaliya ku qaaday cadaadis uga yimid Shiinaha. Taiwan ayaa sidoo kale tallaabo la mid ah qaaday, iyadoo mamnuucday dadka wata baasaboorka Soomaaliya inay soo galaan dhulkeeda.

Shiinaha ayaa si weyn u taageeray go’aanka Soomaaliya, isagoo u arkay inuu muujinayo in Soomaaliya ay garab taagan tahay siyaasadda midnimada Shiinaha.

Xiriirka sii xoogaysanaya ee Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sii xoojinaya cadaadiska ay labada dhinac saarayaan cilaaqaadka Somaliland iyo Taiwan, taas oo ay u arkaan mid khatar ku ah midnimadooda siyaasadeed iyo madax-bannaanidooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this