Sign in to follow this  
Deeq A.

James Swan oo caddeeyey mowqifkiisa ku aadan nooca doorasho ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa bilaabay socdaallo rasmi ah oo uu ku marayo dowlad goboleedyada dalka, isaga oo xal u raadinaya is-mari waaga ka taagan doorashada dalka.

Ujeeddada safaradan ayaa ah inuu madaxda maamul goboleedyada uga dhaadhiciyo muhiimadda ay leedahay ka qeyb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Swan ayaa safarkiisa ka bilaabay Galmudug, halkaas oo uu Talaadadii kulan kula yeeshay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye. Arbacadiina wuxuu gaaray Koonfur Galbeed, isagoo la kulmay Madaxweynaha maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Intii uu socday wadahadalka, danjiraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la gaaro doorasho heshiis lagu yahay, iyo in la helo wada-hadal qaran oo mideeya dhammaan saamileyda siyaasadeed iyo bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu si gaar ah u muujiyay muhiimadda midnimo iyo wadahadal loo dhan yahay oo dhex mara hoggaamiyeyaasha dalka.

Danjire Swan ayaa lagu wadaa inuu todobaadkan sii wado safarkiisa isagoo tegi doona Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa la filayaa inuu booqdo magaalada Garowe maalmaha Sabtida ama Axadda, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, si uu uga wada hadlo ka qeybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Ergaygu wuxuu sidoo kale caddeeyay in beesha caalamka ay taageersan tahay dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan qabashada madal qaran oo mideysa aragtida Soomaaliyeed, lagana hortago khataraha ay kooxaha xagjirka ahi ku hayaan dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this