Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano Mareykan ah oo u hanjabay Soomaaliya kadib tallaabadii ay qaaday DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Mareykanka ayaa warqad rasmi ah u diray Safiirka Soomaaliya ee Washington, Daahir Xasan Cabdi, iyagoo uga dalbaday in Dowladda Soomaaliya ay dib uga noqoto go’aanka ay ku mamnuucday baasaboorka Taiwan.

Labada xildhibaan, Tom Tiffany iyo Andy Ogles, ayaa muujiyay walaac weyn oo ay ka qabaan tallaabada ay Soomaaliya ku joojisay isticmaalka baasaboorka Taiwan, iyagoo sheegay in arrintani u muuqato mid ka dhalatay cadaadis uga yimid Dowladda Shiinaha.

Waxay si cad uga digeen in go’aankaasi uu horseedi karo cawaaqib xun oo saameeya dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Mareykanka, gaar ahaan kuwa haysta oggolaanshaha ku-meel-gaarka ah ee TPS.

Waxay carrabka ku adkeeyeen in ay suurtagal tahay in dadkaasi dib loogu celiyo Soomaaliya, iyadoo laga laabanayo ilaalinta sharciyeed ee hadda lagu siiyay.

Sidoo kale, waxay xuseen in Mareykanku uu qaadi karo tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ay ka mid yihiin joojinta fiisayaasha Soomaaliya, mamnuucidda baasaboorrada Soomaaliya in lagu galo Mareykanka, iyo hakinta gargaarka mustaqbalka ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Taiwan ayaa iyaduna si adag uga jawaabtay xayiraadda, iyadoo ku tilmaantay mid ay Soomaaliya ku qaaday cadaadis uga yimid Shiinaha. Si jawaab ah, Taiwan ayaa xannibaad saartay muwaadiniinta sita baasaboorka Soomaaliya, kuwaas oo laga mamnuucay inay u safraan Taiwan wixii ka dambeeya xayiraaddaas.

Dowladda Shiinaha ayaa si diiran u soo dhoweysay mamnuucidda baasaboorka Taiwan ee ay qaaday Soomaaliya, taasoo sida muuqata si weyn uga careysiisay Mareykanka oo haatan is-hayaan Shiinaha, si weyn u garab taagan Taiwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this