Sign in to follow this  
Deeq A.

KOOFI oo ka digay halis soo food leh kadib hab-dhaqanka gurracan ee DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda isla markaana haatan ah musharrax madaxweyne ee Galmudug, ayaa digniin culus kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Koofi oo soo saaray qoraal uu cinwaan uga dhigay “Ma fahmi kartaa halista soo fool leh?” ayaa wuxuu ku muujiyay walaaca uu ka qabo xaaladda taagan, isagoo ka digay halista ka dhalan karta tallaabooyinkii u dambeeyay ee qaaday dowladda federaalka Soomaaliya.

“Haddii, Soomaaliyey, aanan garan karin halista ka dhalan karta laabidda goglaha kooban ee noo harey ee weli Soomaalidu ku doodo ama ku wada hadasho, kuma filnaan karno maareynta dowladnimadeena, mana ahan in aan waqti iska sii lumino ee waa in aan aqbalnaa guuldarada,” ayuu yiri Koofi.

Wuxuu si cad u cambaareeyey ficillada ay dowladdu ku caburinayo xorriyadda hadalka iyo wada-tashiga, isagoo ugu baaqay madaxda dowladda dhexe inay door muuqda ka qaataan dib u furidda gogosha wada-hadalka.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Ma fahmi kartaa halista soo fool leh?

Sedax madal oo dalka muhiim u aheyd ayey u muuqataa in laba Albaabada loo xirey, midna albaabka laga xirtey. Waa Baarlamaanka, Golihii wada tashiga iyo warbaahinta.

Haddii, Soomaaliyey, aanan garan karin halista ka dhalan karta laabidda goglaha kooban ee noo harey ee weli Soomaalidu ku doodo ama ku wada hadasho, kuma filnaan karno maareynta dowladnimadeena, mana ahan in aan waqti iska sii lumino ee waa in aan aqbalnaa guuldarada.

Sharciga oo aan la ilaalineyn, Xildhibaanada lagu jirdilayo gudaha xaafiisyadooda, ciidamada ka buuxsamaya fadhiga golaha B, iyo jirdilka wariyeyaasha waxay astaan u yihiin aragtida kalitalisnimada, mana ahan mid ka soconeysa Soomaaliya ee waqti ayey inaga qqadeysaa.

Waxaan canbaareynayaa talaabooyinkaas gurracan ee halista noo jiidayaa waxaana ka digayaa natiijada aan la mahdin doonin ee ka dhalan karta.

Waxaan weli rajo ka qabaa in cagligu soo noqdo oo lagu soo laabto dariiqa wadahadalka iyo is qancinta, madacxda dowladda dhexe ayeyna saarantahey masuuliyadda ugu weyn ee fududeynta, ballaaringa iyo dhiiragelinta goglaha wadahadalada.

“Haddaan is qancin wayno waa naloo qorayaa”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this