Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Guudlaawe oo eryay wasiiro dhowr ah xilli ay xaalad adag taagan tahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Johwar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa muddo kooban gudaheed xilka ka qaaday xubno dhowr ah oo ka tirsanaa Golaha Wasiirrada maamulkaasi.

Wareegtooyin ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa xilka looga qaaday lix mas’uul oo kala ah: Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Wasiiru-Dowlaha Dastuurka, Wasiiru-Dowlaha Amniga Gudaha, iyo Wasiiru-Dowlaha Tamarta iyo Biyaha.

Isla markiiba waxaa la magacaabay shaqsiyaad cusub oo lagu beddelay xilalkaasi, kuwaasoo la filayo inay si deg-deg ah ula wareegaan shaqada.

Madaxtooyadu waxay ku sheegtay in isbeddelkan lagu doonayo dardargelinta adeegyada bulshada iyo kor u qaadista isla xisaabtanka hay’adaha maamulka.

Si kastaba, lama shaacin sababta dhabta ah ee keentay xil-ka-qaadista wasiirrada, balse ilo wareedyo hoose ayaa tilmaamaya in shir dhowaan uu guddoomiyay Madaxweyne Guudlaawe lagu adkeeyay in golaha wasiirradu muujiyaan waxqabad dhab ah.

Xogtan ayaa imaanaysa xilli ay jireen dhaleeceyn xoogan oo bulshada qaar ay ku muujinayeen baraha bulshada, kuwaasoo sheegaya in maamulka uu ka gaabiyay horumarinta adeegyada dadweynaha, halkii xoogga la saari lahaa horumar muuqda, taas beddelkeed lagu mashquulay magacaabis iyo xil-wareejin joogto ah.

Isbeddelkan siyaasadeed ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli uu maamulka Hirshabeelle wajahayo xaalad dagaal oo adag, isla markaana kooxa Al-Shabaab ay dhawaan qabsatay deegaanno hoos yimaada maamulka oo hore looga xoreeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this