Deeq A. Posted Friday at 03:42 PM Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Difaaca Deegaanka ee Macawiisleyda gobolka Hiiraan ayaa maanta weerar qorsheysan ku qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Hararta. Deegaankan ayaa ku yaalla xuduudda u dhaxeysa degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan, waana meel istiraatiiji ah oo dhowr jeer ay ka dhaceen iska hor-imaadyo. Weerarkan ayaa qeyb ka ah howlgal ballaaran oo fiidamada deegaanka iyo kuwa dowladda federaalka ay ku beegsanayaan goobaha ay Shabaabku isku aruursadaan. Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, waxaa laga adkaaday kooxdii halkaasi ku sugneyd. Wararka la helayo ayaa sheegaya in ku dhowaad 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalkaasi, halka in ka badan 10 qori ay ciidamada deegaanka gacanta ku dhigeen. Ciidamada deegaanka ayaa si buuxda u fashiliyey dhagartii ay maleegayeen Shabaabka, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay qorsheynayeen weerarro ka dhan ah goobaha ay ku sugan yihiin shacabka iyo ciidamada dowladda. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu adkeynayo amniga gobolka. Aagga uu howlgalka ka dhacay waxaa hadda si buuxda ugu sugan ciidamada deegaanka, kuwaas oo bilaabay baacsiga xubnaha firxadka ah ee ka tirsanaa kooxda. Saraakiishu waxay sheegeen in aysan joojin doonin hawl-gallada inta laga saarayo guud ahaan gobolka. Howl-galkan guuleystay ayaa sare u qaadaya kalsoonida shacabka ee ku aaddan awoodda ciidamada deegaanka, kuwaas oo door weyn ka qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa si weyn u taageeraya ciidamada, iyadoo loo arko tiir muhiim u ah dagaalka socda. Share this post Link to post Share on other sites