Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Caananuug oo laga raali geliyey ‘aflagaadadii’ guddoomiye Aadan Madobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan raali-gelin ah ayaa galabta Muqdisho loogu sameeyey Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo kulankii ugu dambeeyey ee Golaha Shacabka lagu aflagaadeeyey.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo saaxiibo dhow la ah mucaaradkana ay iskala tirsan yihiin Xildhibaan Caananuug ayaa ka xaalmariyey aflagaadadii uu u geystay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Kulankii ugu dambeeyey ee Arbacadii ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka oo buuq iyo gacan qaad ku soo dhamaaday ayuu Guddoomiye Aadan Madoobe ku dhex caayey xildhibaanada qaar.

Inkastoo dhowr xildhibaan oo mucaarad ah, buuqa iyo xasilooni daradana bilaabay uu mid mid u caayey Aadan Madoobe, hadana Xildhibaan Caananuug ayaa ugu daraa, wuxuuna yiri “Naga fariiso waxaa tahay Jiis daalane.”

XIldhibaan Caananuug waxaa qarax ay gaarigiisa ugu xireen lug uga jaray Khawaarijta, wuxuuna ku suntan yahay halgan iyo dhabar adeyg dalkaan looga xoreeyey Khawaarijta oo muddo dheer soo socday.

Wuxuu kamid yahay saaxiibada madaxweynihii hore Sheekh Shariif, wuxuuna xili ku jira ragg ay Shabaab ugu neceb yihiin, ilaa heer ay gaareen inay gaarigiisa qarax ugu xiraan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa aad loogu dhaliilay hadalkiisii ka dhanka ahaa xildhibaankaan dhibanaha u noqday beegsiga Al-Shabaab ee dalka ka socda, taasi oo mudan in mar kasta looga garaabo.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa galabta Xildhibaan Caananuug dusha ka saaray Go’ shaal ah, kaas oo ka turjumaya in habdhaqanka raali gelinta Soomaalida.

Dhamaan Xildhibaanada mucaaradka ah ayaa isugu yimid kulanka raali-gelinta xildhibaan Caananuug, waxayna soo qaateen ulaha Baakoorta ah ee dadka lugaha la’ ay cuskadaan.

IMG_7048.jpeg?resize=696%2C764&ssl=1 IMG_7047.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_7038.jpeg?resize=696%2C707&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this