Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab soo qaaday weerar 3 jiho ah oo lagu laayey Hiiraan – Muxuu ahaa qorshahooda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Moqokori (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta qorsheysay inay cagta-mariyaan macawiisleyda reer Hiiraan, balse waxay kala kulmeen jabkii ugu culsaa ee waayahaan soo gaara, waxaana seddax goobood lagu soo bandhigay meydadka Al-Shabaab oo tirabeel ah.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa Difaaca Deegaanka ee Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa maanta jilibka u dhigay weerarro ay Al-Shabaab ka soo qaadeen seddax jiho oo gobolka Hiiraan ah, waxaana guuleystay Ciidamada Xoogga iyo xaq u dirirka deegaanka.

Waxaa lasoo bandhigay meydadka ku dhowaad 30 Shabaab ah oo ajaanib ay ku jiraan, sidoo kale waxaa muuqaalada laga soo duubay lagu dhex arkayaa horjoogayaal madaxda laga gooyey.

Dagaalka ugu culus wuxuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Hararta oo u dhaxeeya degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Ceel-hareeri ee gobolka Hiiraan, halkaas oo looga hortegay weerar ay Shabaab ka soo abaabuleen degmada Aadan-yabaal oo gacantooda ku jirta.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay in Khawaarijta ay ka dileen ku dhowaad 30 Shabaab ah oo meydadkooda ay dul istaageen, iyagoo kasoo furtay hub iyo saanadihii kale ee ciidanka ee ay ku soo weerar tageen.

Taliyaha Guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Xujaale oo SNTV la hadlay ayaa yiri.  “25 ka tirsan meydadkii Khawaarijta ay ka carareen ayaan gacanta ku haynaa, Saddex aag oo ay ka soo weerar tageena waan ku jabinay.”

Meydad kale iyo dhaawacyo tiro beel ah ayaa la sheegay in Shabaab ay horay u qaateen, kadib markii dhamac aysan filaneyn ay kala kulmeen ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka oo is garabsanayey.

Taliyaha Guutada 21-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gashaanle Maxamed Cali Hilowle ayaa yiri, “Khawaarij tababar maleh, waxaana ka dhignay kuwa aan dilno iyo kuwa aan nolasha ku qabanay cadowgii maanta nagu soo duulay”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this