Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Odowaa oo tallaabo culus ka qaaday ciidan iyo saraakiil ka soo cararay dagaalkii…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa gaaray go’aan hadda kadib badbaado u noqon kara ciidanka xoogga, waxaana lasoo xiray ciidan ka cararay dagaalka Al-Shabaab.

Cutubyo ka tirsan guutada 18-aad ee Gorgor ee ciidanka xoogga dalka ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo la reysteeyey qaar kamid ah saraakiishii guutadaas.

Ciidanka Muqdisho looga yeeray ee lagu xiray Gaashaandhigga ayaa ka soo cararay dagaalkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Wargaadhi, halkaas oo lagu laayey ciidamadii deegaanka oo aad u dagaalamay.

Gaashaanle Dhexe Xasan Ciraaqi oo hoggaamiya guutadaas ayaa marar badan lagu eedeeyey maamul xumo iyo bitiyari dagaal, guutada 18-aad ee Gorgor, mar waxay ahayeen ciidanka ugu awooda badan xoogga dalka, balse hadda waxaa heysa maamul xumo daran oo sababtay in lasoo xiro.

Xasan Ciraaqi ayaa la sheegay in maalintaas uusan joogin goobta dagaalka, balse saraakiishii ka hooseysay ayaa ku guul dareysatay in ciidanka ay dagaal geliyaan, waxaana dhamaantood looga yeeray Muqdisho, kadibna waa la reysteeyey.

Tallabada uu qaaday Taliyaha Xoogga ayaa loo arkaa mid badbaado u noqon karta ciidanka oo maalmihii dambe dagaalami diiday, taasi oo fududeysay in Shabaab ay laayaan ciidanka, markii ay ka cararaan difaacooda.

Qorshaha cusub ee Jeneraal Odawaa ayaa dalka ka badbaadi kara inay Shabaab qabsadaan, maadaama ciidamada oo aan dagaalameyn ay sababtay in kooxdu qabsato dhul aad u balaaran oo mar hore laga xoreeyey.

Qaar kamid ah ciidamada ilaalada madaxtooyada qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa si adag uga dagaamay Wargaadhi, waxaana la xiray dhamaan ciidamadii qaranka ee dagaalkaas ka soo cararay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this