Deeq A. Posted Friday at 03:00 AM Garoowe (Caasimada Online) – Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa isdhaafsaday 26 maxbuus, iyaga oo aan cid saddexaad ku lug lahayn, arrintaasoo muujinaysa isbeddel ku yimid xiriirka labada dhinac, kuwaas oo horey ay u dhexmareen khilaafyo siyaasadeed iyo kuwo ciidan. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyay isdhaafsigaas, isagoo sheegay in “berri ay ka muhiimsan tahay shalay,” taasoo muujinaysa baahida loo qabo in laga gudbo khilaafyadii hore loona jeesto mustaqbal iskaashi. Wasiir Juxa ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in labada maamul iska kaashadaan la dagaallanka kooxaha xagjirka ah iyo ka faa’iidaysiga fursadaha horumarineed ee gobolka ka jira. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa rumeysan in isku soo dhowaanshahan uu la xiriiro dareen wadaag ah oo ka dhashay aqoonsigii dowladda federaalka ah siisay maamulka SSC-Khaatumo, taasoo dhalisay caro labadaba ka soo yeertay Puntland iyo Somaliland. Falanqeeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa u arka isdhaafsiga maxaabiista mid ka tarjumaya isbahaysi siyaasadeed oo cusub, kaasoo laga yaabo inuu saameyn ku yeesho doorashooyinka soo socda iyo saami qeybsiga awoodda siyaasadeed ee heer federaal. Aqoonsiga SSC-Khaatumo ayaa sababay hoos u dhac ku yimid saamiga siyaasadeed ee Puntland, gaar ahaan tirada xildhibaannada beelaha waqooyi, taasoo keeni karta in Puntland raadiso isbahaysi cusub oo ay la sameyso xildhibaannada laga soo doorto gobollada waqooyi ee doorashadooda lagu qabto Muqdisho. Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa la rumeysan yahay inuu weli xiiseynayo inuu ka qeyb galo doorashada madaxtinimada Soomaaliya, isagoo horey ugu jiray musharraxiintii ugu sarreysay ee wareegga labaad gaadhay doorashadii 2022. Share this post Link to post Share on other sites