Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka oo sheegay inuu qabtay hub loo waday…

Recommended Posts

Deeq A.   

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in saraakiisha ammaanka ay garoon diyaaradeed ku qabteen malaayiin rasaas oo si sharci-darro ah loogu waday ciidamada Suudaan, balse militariga Suudaan ayaa warbixintaas ku tilmaamay mid gebi ahaanba been abuur ah.

Ciidamada qalabka sida ee Suudaan ayaa muddo dheer ku eedeynayay Imaaraadka inuu hub siiyo Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF), oo ah koox sida militariga u tababaran oo ay colaadda sokeeye ee labo sano jirsatay ku loollamayaan. Eedeymahan, oo horey ay u xaqiijiyeen khubarada Qaramada Midoobay, ayaa mar kale la baarayaa.

Imaaraadka Carabta ayaa si cad u beeniyay dhammaan eedeymahaas.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka (WAM) ayaa sheegtay in “ku dhowaad shan milyan oo xabbadood oo ah nooca 7.54 x 62 mm ee Goryunov” laga helay diyaarad gaar loo leeyahay oo ku sugnayd garoon diyaaradeed, iyadoo la xiray dhowr qof oo lala xiriirinayo arrintaas.

WAM waxay intaas ku dartay in shirqoolka keenista hubka ay ku lug lahaayeen dad ay ka mid yihiin taliyihii hore ee sirdoonka Suudaan, Salah Gosh, oo Mareykanka uu cunaqabatayn kusoo rogay sanadkii 2023, sababo la xiriira carqaladeynta geeddi-socodkii dimuqraadiyadda Suudaan.

“Eedeysanayaasha waxaa la qabtay xilli baaritaan lagu samaynayay xabbado saarnaa diyaarad gaar ah oo ku jirtay mid ka mid ah garoomada dalka,” ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday WAM, iyadoo aan la shaacin magaca garoonka, jidkii ay diyaaraddu soo martay, ama magacyada dadka la xiray.

WAM ayaa sidoo kale sheegtay in heshiiska guud ee la tuhunsan yahay oo lagu qiyaasay malaayiin doollar, uu ka koobnaa “qoryaha Kalashnikov, xabbado, qoryo waaweyn iyo bam gacmeedyo,” waxaana lagu qariyay magaca heshiis sonkor lagu soo dhoofinayo oo la sheegay inuu ku dhacay is-afgarad lala yeeshay Kornayl Othman al-Zubeir oo ka tirsan ciidamada Suudaan.

Reuters ma aysan awoodin inay la xiriirto Salah Gosh iyo Othman al-Zubeir si ay uga jawaabaan eedeymaha loo jeediyay.

Ciidamada Suudaan ayaa warbixintaas si cad u diiday, iyagoo sheegay inay marar hore gacanta ku dhigeen hub ay sheegeen inuu kasoo galay Imaaraadka.

“Markii dowladda Suudaan ay muujisay kaalinta ay Imaaraadku ku leeyihiin dambiyada ay RSF u geystaan shacabka, iyadoo si toos ah u taageeraysa maleeshiyaadkan, haddana Imaaraadka wuxuu isku dayayaa inuu indhaha shacabka ka jeediyo xaqiiqda isagoo sameynaya eedeymo been abuur ah,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka, Sarreeye Guuto Nabil Cabdalla oo la hadlay Reuters.

Suudaan ayaa sidoo kale dacwad u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ), iyadoo ku eedaysay Imaaraadka inuu gacan ka siiyay RSF inay xasuuq ka geystaan Galbeedka Darfur — eedeymo Imaaraadka uu si adag u beeniyay. Maxkamaddu waxay la filayaa inay Isniinta soo socota go’aan horudhac ah ka gaarto dacwaddaas.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ciidamada Suudaan weli isticmaalayaan bankiyada Imaaraadka si ay u maamulaan dhaqaalahooda, inkastoo xiriirka labada dal uu meel xasaasi ah marayo. Lama hayo warar hore oo muujinaya in hub Imaaraadka laga soo dhoofiyay.

Dagaalka Suudaan oo ka dhashay loollan awoodeed oo u dhexeeya ciidamada iyo RSF, ayaa sababay burbur baahsan, iyadoo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, in ka badan 13 milyan oo kalena ay barakaceen.

Inkasta oo ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen inta badan caasimadda Khartuum iyo bartamaha dalka, haddana dagaallo culus ayaa weli ka socda Waqooyiga Darfur. Bishii April, weerar ay RSF ku qaadeen xerada barakacayaasha ee Zamzam — oo duruufo adag iyo macaluul haysato — ayaa sababay barakaca boqollaal kun oo qof.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this