Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad u dhashay KOONFUR KUURIYA oo ku afduuban Soomaaliya oo soo hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sagaal bilood kadib afduubkii labo muwaadin oo u dhashay Koonfur Kuuriya, muuqaal cusub ayaa Axaddii, April 28, lagu baahiyay internet-ka, kaasoo muujinaya labada qof oo wali nool balse ku sugan xaalad cabsi leh gudaha Soomaaliya.

Muuqaalkan oo soconaya saddex daqiiqo ayaa lagu arkayaa samafale David Ian Lee iyo sodohdiis Hiwi Sokk Cheon, kuwaasoo la afduubtay 12-kii Agoosto 2024 iyadoo rag hubeysan ay ka kaxeysteen gurigooda ku yaalla tuulada Odda ee u dhow xuduudda Kenya iyo Itoobiya.

Lee, oo si cad u muujinaya walaac iyo daal nafsi ah, ayaa ugu baaqay dowladda Koonfur Kuuriya in ay si degdeg ah u farageliso si loo badbaadiyo isaga iyo Cheon.

“Maalmuhu aad bay u dheeraadeen, waxaana wajahnaa cabsi joogto ah iyo hubanti la’aan. Waxaan ku jirnaa xaalad halis ah oo aan difaac lahayn. Waxaan nahay dad aan waxba galabsan oo lagu dhex riday dagaal aanu waxba ka ogeyn,” ayuu yiri Lee, iyadoo Cheon ay fadhido dhinaciisa, wajigeedana laga dareemayo baqdin aad u weyn.

Lee ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Fadlan ha naga tegin. Ha sugin in xaaladdu kasii darto. Waxaan idinka codsaneynaa inaad si dhaqso leh u dhaqaaqdaan oo aad noo soo celisaan si nabad ah. Si aad ah ayaan uga walaacsanahay amnigeenna iyo badqabkeenna.”

Mas’uuliyiinta ammaanka Kenya ayaa aaminsan in muuqaalka, oo la tuhunsan yahay in ay baahiyeen kooxda Al-Shabaab, uu ujeedkiisu yahay cadaadis saaridda dowladda Koonfur Kuuriya si ay ula furto wadahadal.

Afduubkan ayaa horseeday baaritaan weyn oo iskaashi ah sanadkii hore, taasoo keentay in la xiro siddeed eedeysane, oo ay ku jiraan lix Itoobiyaan ah. Eedeysanayaashan ayaa wali xiran, iyadoo baaritaannada weli socdaan.

Safaaradda Koonfur Kuuriya ee magaalada Nairobi weli ma aysan bixin war rasmi ah oo ku saabsan fiidiyowga la baahiyay.

Dhinaca kale, saraakiisha Kenya ayaa sheegay in la adkeeyay roondooyinka ammaanka ee ka socda xadka, xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira dhaq-dhaqaaqa kooxaha hubeysan ee ka tallaabaya xuduudda.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this