Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa dood ka keenay qaabka ka qayb galka Firdhiye

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka Golaha Wadatashiga Soomaaliya oo si rasmi ah uga furmi lahaa magaalada Muqdisho maanta, ayaa dib udhac ku yimi, iyada oo loo balamay Maalinta Isniinta.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxda Soomaaliya ee dib u dhaca keenay hase yeeshee sida warbaahinta Muqdisho sheegeen waxyaabaha dib u dhaca keenay ayaa waxa kamid ah dood ka dhalatay ka qayb galka Firdhiye ee shirka madasha wadatashiga iyo meeqaamka Gobolka Banaadir.

Madaxda maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa dood ka keenay qaabka ka qayb galka Firdhiye, xilli aan meel lagu tiirin meeqaamka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa isaguna muujiyay in maamullada tira badan ee Somalia deegaankiisu mid kaliya ku leeyahay taasina uu sheegay inay tahay mid cadaalad u baahan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this