Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo farriin culus u diray Sheekh Aadan Madoobe, kadib arrintii shalay dhacday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan baarlamaanka, isaga oo u caqli celiyay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa marka hore sheegay in wax laga xumaado ay tahay fowdada ka socota baarlamaanka, ayna niyad-jabineyso shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu cambaareeyay hadalladii shalay kasoo yeeray guddoomiyaha Golaha Shacabka ‘oo jiis ugu yeeray mid kamid ah xildhibaannada baarlamaanka’ wuxuuna ugu baaqay inuu ka laabto waddada uu ku socdo, uuna  ilaaliyo sharuucda u taalla dalka.

Waxaa kale oo uu si adag cambaareerayay gacan qaadkii shalay loo gaystay qaar kamid ah mudanayaasha baarlamaanka, isaga oo xusay inay ahayd xadgudub wayn oo dhacay.

“Waxaan cambaaraynayaa gacan qaadka loo gaystay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka taas oo xadgudub ku ah xasaanadda Xildhibaannada, sidoo kale waa arrin argagax leh in Gudoonka Baarlamaanku ay isticmaalaan erayo takoor ah, kuwaas oo ka baxsan diinteenna iyo dhaqanka suubban” ayuu yiri Mudane Maxamed Xuseen Rooble

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka Golaha iyo mudaneyaasha Baarlamaankuba in ay ku noqdaan xayndaabka Sharciga, ilaaliyaanna dareenka Shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaadooda ku fadhiyaan”.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

BISMILLAHI

Waa wax aad looga xumaado fawdada ka socota Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda oo ah hay’adda ugu sarraysa Dalka.

Hab-dhaqankaan waa mid niyad jabinaya Shacabka sawir xunna ka bixinaya Dawladnimadeenna.

Waxaan cambaaraynayaa gacan qaadka loo gaystay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka taas oo xadgudub ku ah xasaanadda Xildhibaannada, sidoo kale waa arrin argagax leh in Gudoonka Baarlamaanku ay isticmaalaan erayo takoor ah, kuwaas oo ka baxsan diinteenna iyo dhaqanka suubban.

Sidoo kale waxaan cambaaraynayaa xadgudubka loo gaystay Saxafiyiinta oo isugu jiray gacan ka hadal iyo carqaladayn shaqadooda ah, waa arin Khilaafsan Dastuurka oo dhawraya xaqa fikirka iyo xornimadiisa.

Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka Golaha iyo mudaneyaasha Baarlamaankuba in ay ku noqdaan xayndaabka Sharciga, ilaaliyaanna dareenka Shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaadooda ku fadhiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this