Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay dib u dhaca shirka Golaha Wadatashiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi aheyn iyo hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay dib u dhaca ku yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo la filayay inuu maanta ka furmo gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha shirka ayaa si rasmi ah u furmi doono maalinta Isniinta ah oo ku beegan 5-ta bisha May 2025.

Go’aankan ayaa yimid kadib wadatashi ay yeesheen Madaxda Qaranka, sida lagu xusay bayaanka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) waa madal muhiim ah oo ay ku kulmaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, si ay uga wada hadlaan arrimaha dalka u muhiimka ah, sida amniga, doorashooyinka, iyo dib-u-habaynta dastuurka.

Dib-u-dhigista shirka ayaa timid maalmo kadib markii uu qaadacay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo shuruud ku xiray ka-qaybgalka, wuxuuna tilmaamay in Puntland ay maqnaan doonto inta ay dowladda dhexe uga soo laabanayso heshiisyadii ay horay uga baxday kuwaas oo sababay khilaafka taagan ee labada dhinac.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay dib u dhaca ku yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaran?

Cali Aadan: “Buuqa Baarlamaanka ka jira miyaa lagu daminayaa in shirka dib loo dhigo?. Waa lays fahmay.”

Ayuub Barre: “Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa kala diray shirkii.”

Xarbi Yare: “Shaqa wacan madaxda Soomaaliyeed, hadaanahay shacabka wax wanaagsan ayaa idinka rajeneynaa.”

Maxamed Cabdi Cali: “Waan socon waynayee aan orodno ayaa la dhahaa alaabtaan.”

Bashiir Ibraahim Cali: ” Gogosha nabadeed ma waxaa lo beddalay mid maamul Gobaleed kaliya?”.

Mukhtaar Cabdulqaadir Maxamed: “Jahwareer siyaasadeed in uu jiro waa fahmeynaa.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this