Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Qeybdiid oo dacwo ka ah Xasan Sheekh xilli barakacin lagu sameeyey…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey wax uu ugu yeeray dhul-boobka ka socda caasimadda.

Dhul-boobkan, oo uu ku eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu sheegay inuu u fulinayo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi.

“Macallin Mahdi ayaan u tagnay si aan dadka loo barakicin, laakin wuxuu nagu yiri: ‘Mar haddii waraaq ka timaaddo Madaxweyne Xasan Sheekh, wax la joojinayo ma jiro,’” ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid.

Senatorka ayaa sheegay in dhul-boobka ka socda magaalada Muqdisho uu saameeyey dhammaan bulshada, isagoo ka sheekeeyey boosas laga kireeyey qoyskiisa oo markii dambena awood dowladeed looga saaray.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in arrintani ka mid tahay sharci-darrada ka jirta dalka, ayna madaxda sare ee dalka — oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh — sida ay rabaan ka yeelaan.

“Aniga hore ayaan u arkay in sida aad ku noolaan karto, ku nooloow waaye,” ayuu yiri Senator Qeybdiid, oo sheegay in inta uu xukunka hayo Xasan Sheekh uusan joogsaneen dhul-boobku.

Senatorka ayaa quus ka muujiyey hab-dhaqanka Madaxweyne Xasan Sheekh, oo uu ku eedeeyey inuu ku tumanayo sharciga. “Maadaama dowladdii Soomaaliyeed aysan lahayn Maxkamad Dastuuri ah oo sharci loo raaco, waxaa dastuur u noqday in madaxweynuhu wixii uu rabo fuliyo,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo muuqaalka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this