Deeq A. Posted Thursday at 02:00 PM Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta qoraal soo saaray dhambaal u direy shaqaale weynaha Soomaaliyeed. Madxweyne Xasan Sheekh ayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Shaqaalaha awgeed, oo ku beegan maanta oo taariikhdu tahay 1-da May 2025. Madaxweynaha ayaa ku amaanay shaqaalaha Soomaaliyeed dadaalkooda, kartidooda iyo doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan horumarinta dalka, dowlad-dhisidda, iyo difaaca Qaranka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay mudan yihiin ammaan gaar ah maadaama ay yihiin laf-dhabarta horumarka bulshadeenna. Wuxuu xusay in ansixinta Xeerka Shaqaalaha ee la cusbooneysiiyay sanadkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaallinta xuquuqda shaqaalaha. Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta Ajandaha Shaqo Wanaagga si loo yareeyo shaqo la’aanta, loona xoojiyo xiriirka shaqaalaha iyo loo shaqeeyeyaasha. “Waxaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa uu intaas kusii daray “Waxaan ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta dalka.” Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina ku booriyay dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha, korna loo qaado xushmadda iyo xaq-dhowrka shaqo, wuxuuna Alle uga baryay naxariis waalidinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee naftooda u huray adeegga dalkooda. Share this post Link to post Share on other sites