Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrinta miisaanka culus ee DF kaga hortagtay mamnuucista baasaboorka Taiwan – Xog

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Arbacadii si rasmi ah u mamnuucday in dalka ay soo galaan, ka baxaan, ama dhex-maraan dadka wata baasaboorka Taiwan. Tallaabadan ayaa dowladda Taiwan ku tilmaantay mid ka dhalatay cadaadis sii kordhaya oo uga imaanaya Shiinaha.

Warqad nuqul ka mid ah ay heshay The New York Times ayaa muujinaysa in dowladda Soomaaliya ay ku sababeeysay go’aankeeda in uu la jaanqaadayo Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2758.

Qaraarkaas oo la ansixiyay 1971 ayaa si rasmi ah u aqoonsaday Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha inay tahay dowladda keliya ee matasha Shiinaha. Inkasta oo uusan si toos ah u xusin madax-bannaanida Taiwan, haddana Beijing ayaa muddo dheer ku doodeysay in qaraarku siinayo xukun buuxa oo ay ku leedahay jasiiradda Taiwan.

Warqadda, oo taariikhdeedu tahay April 22, waxay sidoo kale cambaareysay furitaanka xafiiska Taiwan ee magaalada Hargeysa—caasimadda Somaliland—iyadoo ku tilmaantay “ku-xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.”

Go’aanka lagu mamnuucay muwaadiniinta Taiwan ayaa yimid shan maalmood kahor booqasho uu qorsheynayay inuu ku tago Somaliland wasiirka arrimaha dibadda Taiwan, sida uu sheegay sarkaal sare oo Somaliland ah oo codsaday inaan la magacaabin maadaama arrintu tahay mid xasaasi ah. Toddobaadkii hore, wasiirka Taiwan Lin Chia-lung ayaa booqday Eswatini, oo ah dalka keliya ee Afrika ee si rasmi ah u aqoonsan Taiwan.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online, booqashadan ayey Dowladda Soomaaliya u aragtay mid miisaan culus oo saameyn togan siin karta Somaliland, sidaas darteedna laga hortagay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa ugu baaqday Soomaaliya inay “si degdeg ah” dib uga laabato go’aanka, waxayna sidoo kale ku dhiirrigelisay muwaadiniinteeda inaysan u safrin Soomaaliya ama Somaliland ilaa amar dambe, taasi oo ka dhigan in safiirka wasiir Lin uu baaqday.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ku tilmaamay go’aanka Soomaaliya “nasiib darro” iyo “mid khatar ah.”

“Maamulka hawada sare looma adeegsan karo siyaasad,” ayuu yiri Aadan, isagoo waraysi telefoon ah siiyay The New York Times.

Dowladda Shiinaha ayaa si buuxda u soo dhaweysay go’aanka Soomaaliya. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Guo Jiakun, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii ku sheegay in tallaabadaasi ahayd “go’aan sharci ah oo lagu ilaalinayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.” Mr. Guo wuxuu sidoo kale xusay in Taiwan ay tahay “qayb aan laga goyn karin” Shiinaha.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi warcelin ah oo ay u dirtay Caasimada Online.

Tallaabadan Arbacadii lagu dhawaaqay ma ahayn tii ugu horreysay ee Soomaaliya ay kusoo rogtay xayiraado socdaal. Sannadkii hore, dowladda federaalka ah ayaa diidday in dalka ay soo gasho diyaarad siday mas’uuliyiin Itoobiyaan ah, xilli ay taagnayd xiisad ka dhalatay heshiiska dekedda u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Khubarada gobolka ayaa sheegay in go’aankaasi uu xoojinayo xiisadaha sii kordhaya, isla markaana uu mid caalami ah ka dhigayo muranka muddada dheer u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

“Mamnuucidda waxay arrinta Soomaaliya iyo Somaliland gelinaysaa jawi cusub oo ah khilaaf juqraafi-siyaasadeed caalami ah,” ayuu yiri Moustafa Ahmad, khabiir ku takhasusay xiriirka Shiinaha iyo Taiwan ee Geeska Afrika. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this