Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dhawaan bilaabaysa wejiga labaad ee qorista dhalinyaro ku biiraya Booliska

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1745856698107.jpg?resize=720%2C48

Dowladda Puntland oo qoraal soo saartay ayaa shaacisay in ay dhawaan ka bilaabi doonto dugsiga Tababarka Xorgoble ee magaalada Qardho wejiga labaad ee qorista dhalinyaro ku biiraysa ciidanka Booliska.

Taliska ciidanka Booliska Puntland oo warkan soo saaray ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan qorista dhalinyaro gaaraysa 500 oo ku biiraya ciidanka, kuwaasi oo lagu xarayn doono dugsiga Tababarka Xorgoble, waxaana halkaasi gaaray guddiga qorista iyo diiwaangelinta u qaabilsan Booliska.

“Gudiga qorista iyo xulusta ciidanka boliiska dowladda Puntland wajigiisa labaad ayaa gaaray dugsiga tababarka ciidanka Puntland ee Xorgable oo dhawaan lagu xarayn doono 500 boqol oo ah dhalinyaro kamid noqonaya ciidanka boliiska dowladda Puntland” ayaa lagu yiri Warkaasi.

Gudigan oo hogaaminayey hoggaanka Tababarka iyo Qorshaynta G/Sare Maxamed Cabdi Axmed (Kismaayo), Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Booliska dowlada Puntland G/Sare Axmed Cabdi Sugulle, Cabdirisaaq Axmed Jaamac (Wadani) iyo saraakiil kale ayaa warbixin ka dhegeystay taliyaha dugsiga iyo sarakiisha sidoo kalena waxay kormeereen qaybaha kala dugan ee dugsiga.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo dhawaan bilaabaysa wejiga labaad ee qorista dhalinyaro ku biiraya Booliska appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this