Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Boqollaal Soogalooti Itoobiya u dhashay oo ku qulqulaya magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250430_084525151.jpg?resize=720

Boqollaal Soogalooti Itoobiyaan ah ayaa Todobaadkan dib ugu soo bilowday degaannada Puntland, kuwaasi oo is aan kala joogsi lahayn ugu qulqulaya magaalada Boosaaso.

Tan iyo bilowgii Todobaadkan waxaa laamiga dheer ee Garoowe iyo Boosaaso lagu arkaya boqollaal Soogalooti u dhashay dalka Itoobiya, gaar ahaan qowmiyadda Oromada oo ku sii qulqulaya Boosaaso, halkaasi oo qaarkood doonayaan in ay uga sii tahriibaan dhinaca Yemen.

Intii uu socday dagaalka Calmiskaad, Puntland ayaa laba jeer raaftay boqollaal Soogalootigii u dhashay Itoobiya, gaar ahaan qowmiyadda Oromada, kaddib markii ay soo baxday xog amni oo xaqiijinaysa in ay Daacish ku biireen qaar badan oo kamid ah Soogalootigaasi.

Sidoo kale, Puntland waxay dhawr jeer soo saartay go’aanno ka dhan ah ajaanibta ka imaanaya dibadda, oo ay ku jiraan Soogalootiga Itoobiyaanka ah, waxaana u danbeeyay Shir Khamiistii hore ka dhacay Boosaaso oo lagu cusboonaysiiyay go’aankii mamnuucista ajaanibta.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Boqollaal Soogalooti Itoobiya u dhashay oo ku qulqulaya magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this