Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xiisadda BF oo kasii dartay iyo 100 xildhibaan oo go’aan xasaasi ah soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa haatan sii laba kacleysay, taas oo ka dhalatay mooshin xilka qaadis ah oo ay qaar kamid ah Xildhibaannadu ka keeneen guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxame Nuur (Aadan Madoobe).

Waxaa guud ahaan hakad-galay shaqadii Baarlamaanka oo xiran muddo ku dhow laba isbuuc, sababo la xiriira khilaafka soo cusboonaaday ee ka taagan golaha dhexdiisa.

Xildhibaannada iyo guddoonka ayaa isku qabtay arrinta Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo horay looga saaray Baarlamaanka, kadib tallaabo uu qaaday guddoonka.

In ka badan 100 Xildhibaan oo wax ka saxiixay mooshinka hadda yaalla ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho, waxayna ku eedeeyeen Sheekh Aadan Madoobe inuu jabiyay xeer hoosaadka golaha iyo shuruucda kale ee heshiiska lagu wada yahay.

“Kulan ay maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka isugu yimaadeen, isla markaana kaga arrinsanayeen xirnaashaha kalfadhigga lixaad ee golaha iyo soo jeedinta mooshin Xildhibaannada ay ka keeneen guddoonka Baarlamaanka ayaa waxaa dood dheer iyo falanqeyn kadib isla qaateen inuu yaallo mooshin dhameystiran oo ka dhan ah Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq Cabdullahi oo akhriyay warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo ay tilmaameen inuu u xiran yahay Baarlamaanka, iyaga oo sheegay in si ula kac ah uu u joojiyay shaqadii socotay ee golaha.

“Fadhiyada golaha wuxuu u xiran yahay guddoomiyaha Baarlamaanka, muddo saddex bilood ah lama qaban wax shaqo ah, waxaana si ula kac ah loo hakiyay howlihii Baarlamaanka” ayuu mar kale yiri Xildhibaanku.

Ugu dambeyn waxa ay Xildhibaannadu dalbadeen in deg deg loo furo Baarlamaanka, si loo guda galo mooshinka iyo shaqooyinka u yaalla Xildhibaannada Soomaaliyeed.

“Haddaba waxaan usoo jeedineynaa guddoonka Golaha Shacabka inay furaan Baarlamaanka oo u xiran muddo ku dhow laba isbuuc” ayuu sii raaciyay.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this