Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Cali BALCAD oo laga qaadayo xilka + xil cusub oo loo magacaabayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo hoose ayaa muujinaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu xilka ka qaadi doono Cali Balcad, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Xil ka qaadistan ayaa lasoo warinayaa inay daba socoto isku shaandheyntii uu shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku saameysay qaar ka mid ah golaha wasiirada, taas oo Axmed Macallin Fiqi looga qaaday xilkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, loona wareejiyay Wasaaradda Difaaca.

Cali Balcad, oo door weyn ku lahaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isla markaana hormuud ka ahaa wada-hadalladii dowladda Soomaaliya la yeelatay Itoobiya ee lagu xalliyay khilaafkii badda, ayaa la filayaa in loo magacaabo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay arrintan, taas oo si rasmi ah loogu dhawaaqi doono dhawaan. Sida ay xoguhu sheegayaan, Balcad waxaa lagu beddeli doonaa Abshir Bukhaari, oo hadda haya xilka Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada.

Cali Balcad ayaa sidoo kale ahaa wakiilka gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee arrimaha wada-hadallada Itoobiya.

Wuxuu door muhiim ah ka qaatay hirgelinta heshiiskii lagu gaaray magaalada Ankara ee uu dhexdhexaadiyay Madaxweyne Erdogan ee Turkiga, kaas oo lagu dhammeeyay xiisaddii u dhexeysay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Isbeddellada socda ayaa la rumeysan yahay inay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu kordhiyo waxtarka dowladda, isla markaana lagu dheelitirayo saameynta siyaasadeed ee beelaha, si loo xoojiyo taageerada gudaha ee maamulka Ra’iisul Wasaaraha.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale la filayaa inuu magacaabo wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru-dowliyaal cusub, xilli isku shaandheyntii uu shalay sameeyay ku koobneyd saddex xafiis oo masuuliyiintooda la isku beddelay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this