Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo dad Soomaali ay ku jiraan ku dilay duqeyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Sacda (Caasimada Online) – Ugu yaraan 68 muhaajiriin Afrikaan ah ayaa lagu dilay dalka Yemen, kadib markii Mareykanka uu hawada ka duqeeyay xarun dadka tahriibka ah lagu hayo oo Xuutiyiintu maamulaan oo ku taalla waqooyi galbeed Yemen.

Goobta la duqeeyay waxaa booqday dad badan, waxaana ka mid ah Ibraahim Cabdulqaadir Macallin oo ka mid ah Soomaalida ku nool Yemen, mar uu la hadlaayey BBC ayuu ka waramay wixii uu ku soo arkay indhahiisa iyo sida ay waxa u dheceen.

“Soomaalida tiradooda way yarayd, 3 maalin ka hor ayaa Soomaali badan oo meesha ku jirtay laga soo saaray” ayuu yiri Ibraahim oo sidoo kale sheegay waxa uu ka ogyahay tirada dadka wax ku noqoday xeradaas iyo inta ay Soomaali ka tahay.

“Dadka dhintay waa 90, dadka dhaawaca waa 25, Soomaalida waxaa la leeyahay 3 ilaa 4 qof ayaa ku jirtay laakin ilaa hadda xaqiiqdooda ma hayno” ayuu yiri, inkastoo warbaahinta qaar ay werisay geerida 68 qof.

Ibraahim ayaa sheegay in goor aroor ah uu weerarka ka dhacay meel lagu hayo muhaajiriinta oo bannaan ah.

“Dadka waxaa laga soo qabtay xadka, in ay Sucuudiga galaan ayey doonayeen, waxaa laysugu keenay xabsiga magaalada Sacda, waxaana loo diyaariyay in la soo tarxiilo” ayuu yiri Ibraahim.

Xarunta dadka lagu hayo ee Sacda waxaa la sheegay in lagu hayay dad gaaraya 115 qof oo Afrikaan ah, TV-ga Al-Masirah ee Yemen wuxuu sheegay in 47 muhaajiriin ah ay dhaawacmeen, iyadoo intooda badan ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya meydad badan oo ku hoos jira burburka.

Saacado ka hor ayuu taliska dhexe ee Mareykanka sheegeen in ciidankooda ay duqeeyeen ilaa 800 oo bartilmaameed tan iyo markii madaxweyne Trump uu amray in la kordhiyo duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta 15-ka bishii hore.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this