Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxtooyada Puntland oo riixaysa beddelka xubno ka tirsan guddiga PEC

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1745296196724.jpg?resize=720%2C48Guddiga PEC

Madaxtooyada Puntland ayaa dhawaanahan riixaysa olole ku saabsan in meesha laga saaro qaar kamid ah xubnaha guddiga doorashooyinka PEC,oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta ugu sarreeya guddigaasi.

Shakhsiyaad ka tirsan Madaxtooyada oo si weyn ugu dhaw Madaxweyne Deni ayaa gadaal ka riixaya in meesha laga saaro guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC, Axmed Maxamuud Cumar (Keke) iyo xubno kale oo ka tirsan guddigaasi, sida ay muujinayaan ilo wareedyo kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya shakhsiyaadka riixaya ololahan in ay wakiil uga yihiin Madaxweyne Siciid Deni oo raadinaya in uu bartilmaameedsado xubno uu ku tuhmayo in aysan daacad u ahayn, si uu beddelkooda u keensado xubno si toosa uga amar-qaata xafiiskiisa.

PUNTLAND POST

The post Madaxtooyada Puntland oo riixaysa beddelka xubno ka tirsan guddiga PEC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this