Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa Ceerigaabo kaga qayb galay qaramaynta ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐š๐๐ข๐ข ๐Œ๐š๐๐๐š๐ง๐ข๐ ๐š ๐š๐ก๐š๐š ๐ž๐ž ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐š๐ฆ๐›๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

Recommended Posts

Deeq A.   

img_10_1745236824585.jpg

img_6_1745236738387.jpg

img_5_1745236719398.jpg

img_7_1745236768596.jpg

img_8_1745236786796.jpg

img_9_1745236808503.jpg

img_3_1745236666679.jpg

img_2_1745236633674.jpg

img_1_1745236617783.jpg

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐‚๐ž๐ž๐ซ๐ข๐ ๐š๐š๐›๐จ ๐ค๐š๐ ๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›-๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐๐š๐ซ๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐š๐๐ข๐ข ๐Œ๐š๐๐๐š๐ง๐ข๐ ๐š ๐š๐ก๐š๐š ๐ž๐ž ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐š๐ฆ๐›๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo weftigii u hoghaaminayey ayaa maanta ka qayb-galay Qaramaynta Ciidankii Maddaniga ahaa iyo gadiidkoodii dagaalka ee ugu dambeeyey Gobolka Sanaag.

Munaasbaddan lagu Qarameynayey Ciidanka Maddaniga ah ayaa ka qabsoontay Madaxtooyada Ceerigaabo, taas oo ahayd mid ka duwan munasabaddii hore ee Qaramaynta Ciidanka Maddaniga, maadaama ay ahayd tii ugu dambaysay.

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa taasi oo uu kaga war-bixiyey qorshaha ballaadhan ee Qaramaynta Ciidanka Maddaniga waxana uu yidhi:

โ€œWaxa maanta halkaasi inoogu soo gebogaboobay Qaramayntii Ciidamada Maddaniga ah ee Gobolka Sanaag. Horay waxa inoogu soo dhammaaday Saraar iyo Sool, Togdheerna iyadna meel fiican bay maraysaa.โ€

Geesta Kale Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay in aanu Madaxweyne ku-xigeenka u ahayn cid gaar ah ama Gobol gaar ah balse uu yahay Madaxweyne ku-xigeenka ummadda JSL oo dhan, waxana uu yidhi:

โ€œDadka ayaa ku celceliyey in aan Ceerigaabo iyo Gobolka Sanaag aan ku soo noqnoqday taasina waxa aan ka leeyahay Ceerigaabo waan jecelahay mana ihi Madaxweyne ku-xigeen reer Awdal oo keliya ee waxa aan ahay Madaxweyne ku-xigeenkii Somaliland oo dhan.โ€

Ugu Dambeyntii Madaxweyneku-xigeenka JSL ayaa ka hadlay khayraadka Gobolka Sanaag, waxana uu sheegay in laga faaโ€™iidaysan doono dhawaan, waxana uu yidhi :

โ€ Sanaag waa Gobol ay ka buuxaan khayraad kala duwan oo ayna haysan aduunka kale! Waxa aynu ku dedaalaynaa sidii looga faaโ€™iidaysan lahaa khayraadkaasi.โ€

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this