Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallada buuraleyda Calmiskaad oo galay wajigii ugu dambeeyay iyo ciidamada oo la wareegay fariisimo hor leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay guluf oo ay qaadeen kula wareegey taliskii u danbeeyey ee Kooxda Daacish ku lahayd buuraha Calmiskaad, kaasoo oo ku yaalla Togga Miiraale.

War kooban oo lagu baahiyey warbaahinta ciimada qalabka sida ayaa lagu sheegay in ciidanku uu la wareegey goobihii ugu muhiimsanaa oo ah dhul aan wado lahayn oo ciidamadu lugaynayeen boqolaal KM oo buuro iyo togag ah.

Howlgalka hilaac ee ciidanka Puntland ay ka wadaan buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari ayaa socda muddo dhawr bilood ah, waxayna ciidamadu gacanta ku dhigeen dhul baaxad leh, ayadoo diley boqolaal dagaalame oo ka tirsanaa kooxdaas.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this