Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqor Burhaan oo soo dhoweeyey aqoonsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay maamulka SSCK 

Recommended Posts

Deeq A.   

Qardho (Wararka PP) —  Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa dowladda federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay aqoonsiga buuxa ay siisay maamulkii ku meelgaarka ahaa ee Sool, Sanaag, Cayn iyo Khaatumo. “Waxaan si xushmad iyo qaddarin leh u soo booqashadii uu Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ku tagay gobolka Sool, taas oo lahayd muhimad gaar ah. Sidoo kale waxaan soo dhoweynayaa in dowladda federaalku u aqoonsatay maamulka SSC Khaatumo dowlad goboleed la mid ah maamullada dalka ka jira.”

1000013068.jpg?resize=720%2C1038&ssl=1

Boqor Burhaan oo ah hoggaanka dhaqameedka ugu sarreeya beesha Daarood wuxuu ku baaqay “in nabad lagu wado-noolaado, la ilaaliyo derisnimada iyo ehelnimada ka dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed dhinackasta oo ay jooggaan.”

© Puntland Post, 2025

The post Boqor Burhaan oo soo dhoweeyey aqoonsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay maamulka SSCK  appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this