Sign in to follow this  
Deeq A.

Toogasho dad ku dhinteen oo ka dhacday dalka Sweden

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska Sweden ayaa sheegay in laba nin lagu dilay toogasho habeen hore ka dhacday magaalada labaad ee dalka ee Gothenburg. Warbaahinta gudaha ayaa ku warramay in weerarkan lala xidhiidhinayo dagaallo u dhexeeya kooxo burcad ah.

Booliisku waxay sheegeen in ay heleen warbixin ku saabsan toogasho dhacday wax yar kahor saqdii dhexe ee habeenkii Isniinta. Baaritaan dil ah ayaa la furay, inkastoo booliisku sheegeen in aysan jirin cid loo qabtay dhacdadan ilaa iyo hadda.

Wargeyska Göteborgs-Posten ayaa qoray in weerarku uu suuragal tahay inuu la xiriiro aargoosi iyo colaado u dhexeeya kooxo burcad ah oo horey u dagaallamay. Sidoo kale, wakaaladda wararka ee TT ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex toogasho iyo siddeed qarax laga soo sheegay magaalada Gothenburg tan iyo bilowgii sanadkan 2025.

Dalka Sweden ayaa sanadihii u dambeeyay wajahaya dhibaato xoogan oo la xiriirta kororka toogashooyinka iyo qaraxyada, kuwaasoo inta badan ka dhasha is-aargoosiga kooxaha dambiilayaasha ah ee iska soo horjeeda. Inta badan falalka rabshadaha wata waxaa fuliya dhalinyaro da’doodu aad u yar tahay, gaar ahaan carruur ka hooseeya 15 sano — taasoo ah da’da mas’uuliyadda dambiyada ee dalka Sweden. Dhalinyaradan ayaa mararka qaar loo adeegsadaa dilal qandaraas ah sababo la xiriira in aysan si sharci ah dambiga ugu xisaabtamin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this