Sign in to follow this  
Deeq A.

๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐ซ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐œ๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐ฆ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐ฅ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฆ๐จ ๐ค๐š ๐ญ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ซ๐ž๐ž๐ซ ๐‚๐ž๐ž๐ฅ ๐€๐Ÿ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง

Recommended Posts

Deeq A.   

โ€ ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐ซ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐œ๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐คimg_5_1744565565675.jpg

img_4_1744565546712.jpg

img_3_1744565511168.jpg

img_2_1744565503525.jpg

img_1_1744565460347.jpg๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐ฆ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐ฅ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฆ๐จ ๐ค๐š ๐ญ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ซ๐ž๐ž๐ซ ๐‚๐ž๐ž๐ฅ ๐€๐Ÿ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง, ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง๐š ๐ฎ๐ฎ ๐š๐ก๐š๐š ๐ก๐ฎ๐› ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐ญ๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐๐ข๐ฅ๐จ ๐’๐ž๐ž๐๐ข, ๐’๐จ๐๐๐จ๐ , ๐€๐›๐ญ๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ง๐š๐š๐›๐ญ๐ขโ€ฆโ€ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo ay weheliyaan Wasiirro iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad iyo Xildhibaano ayaa maanta Degmada Ceel Afweyn kaga qayb-galay Munasabad lagu qaramaynayey Ciidanka Maddaaniga iyo Gadiidkoodii dagaalka.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa bulshada reer Ceel Afweyn ku ammaanay doorka sharriifka ah ee ay ka qateen Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah iyo sida kal furnaanta ah ee ay ula shaqaynayaan Xukuumadda cusub ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Geesta kale, Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa sheegay in Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah ee Ceel-afweyn ay ka duwan-tahay qaramayntii Ciidamada kale ee Maddaniga ah waxana uu yidhi:

โ€œQaramayntani way ka duwan tahay kuwii hore. Maanta waxa halkan lagu wareejiyey ciidan iyo gaadiidkoodi oo ku samaysmay talo xumo ka timiday reer Ceel Afweyn, waxana uu ahaa hub loo samaystay in lagu dilo Seedi, Soddog, Abti iyo Inaabti .โ€œ

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay in ay ka goโ€™antahay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad nabadaynta Ceel-afweyn.

โ€œNabadda Ceel Afweyn inta ay doonto ha nagu qaadato, kama tagayno ilaa nabad waarta la helo..โ€

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this