Sign in to follow this  
Deeq A.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse oo sheegay in degaannada SSC astaan u yihiin Midnimada iyo Wadajirka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1744549051006.jpg?resize=720%2C48

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyey xarunta Barlamaanka SSC-Khaatumo, ayaa sheegay loo baahan yahay midnimo iyo wadajir ummadeed oo taabba-gal ah.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in la xaqiijiyey horumar dhinacyo badan leh oo dhanka dowlad-dhiska iyo maamul-daadejinta ah, taas oo sababtay in maanta mashaaric badan laga hirgaliyo magaalada Laascaanood.

โ€œWaxaan cadeynayaa in dadka deegaannada SSC-khaatumo ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan u baahannahay in la adkeeyo minimida iyo nabadda oo rukun adag u ah dowladnimda, waxaan idinku adkeynayaa in aad nabadda u ilaalisaan sida aad Calankeenna u ilaaliseen.โ€

โ€œWaxaan u baahannahay nabad, horumar iyo in la hirgaliyo doorashooyin madax-bannaan oo ka qabsoonta guud ahaan dalka, waxaan ballan-qaadayaa in Maamulka SSC-Khaatumo uu heli doono adeeg dowladeed oo dhamaystiranโ€, ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey xarunta Barlamaanka SSC-Khaatumo.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in ay Maamulka SSC-Khaatumo iyo shacabka degaanku ay heli doonnaan adeegyada heyโ€™addaha dowlada ee muhiimka ah si loo daadajiyo maamulka dowladda.

PUNTLAND POST

The post Raโ€™iisul Wasaare Xamse oo sheegay in degaannada SSC astaan u yihiin Midnimada iyo Wadajirka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this