Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogtii ugu dambeysay ee safarka R/Wasaare Xamza ee Laascaanood – Maxaa cusub?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa la filayaa inuu safar shaqo oo laba maalmood ah ku tago magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Socdaalkan ayaa waxa uu noqonayaa mid si weyn u saameyn kara jihada siyaasadeed ee gobollada waqooyi, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya SSC-Khaatumo iyo dowladda dhexe.

Laascaanood, oo ah xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, ayaa muddooyinkii u dambeeyay noqotay meel ay si gaar ah u eegayaan dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda dalka.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo arkaa mid si cad u muujinaysa in dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay maamulkan ku-meel-gaarka ah.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa bilaaban doona maalinta Jimcaha haddii dib u dhac kooban ku imaan, iyadoo la filayo in uu magaalada ka ambabaxo Sabtida. Socdaalku wuxuu noqonayaa mid kooban oo laba maalmood ah, balse muhiimad weyn xambaarsan.

Xamza Cabdi Barre waxa uu socdaalkiisa ku wehlin doonaa ku dhawaad toban wasiir oo ka tirsan xukuumaddiisa. Waxa xusid mudan in wasiirradaas aysan ku jirin xubno ka soo jeeda gobollada Somaliland, taas oo u muuqata in dowladda Federaalka ay rabto in safarkan uu yeesho astaan mideysan oo qaran.

Inta lagu guda jiro safarka, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo qorshe is-dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya labada dhinac ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Laascaanood ay ku xiran yihiin 283 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, halka magaalada Hargeysa-na ay hayso 67 maxbuus oo kasoo jeeda dhinaca SSC.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku dhiirrigelin doonaa maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo inay dardar geliyaan habraaca dhismaha maamul goboleed rasmi ah oo si buuxda uga tirsan dowladda Federaalka. Arrintani waxay ka dhigan tahay tallaabo siyaasadeed oo muhiim u ah gobolka.

Kulammo gaar ah ayaa sidoo kale la qorsheeyay in Ra’iisul Wasaaruhu la yeesho odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda deegaannada Baran, Dahar, iyo Laas Qoray. Ujeeddada kulammadan ayaa ah in la dhiso is-faham siyaasadeed oo ku saleysan awood-qaybsiga iyo nabadgalyada deegaanka.

Mid ka mid ah yoolalka ugu waa weyn ee socdaalka ayaa ah in la dhagax dhigo ugu yaraan toban mashruuc oo horumarineed, kuwaasoo muhiim u noqon doona baahiyaha shacabka ee dhanka adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha nadiifta ah.

Mashruucyadan ayaa la filayaa inay sii xoojiyaan kalsoonida shacabka SSC-Khaatumo ay ku qabaan dowladda dhexe, iyo sidoo kale in ay tusaale u noqdaan sida ay u wada shaqeyn karaan heerarka dowladda kala duwan.

Intaa waxaa sii dheer, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si rasmi ah u furi doonaa xafiiska Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ee magaalada Laascaanood. Tani waxay dadka deegaanka siin doontaa fursad ay ku helaan kaararka aqoonsiga qaranka, taasoo muhiim u ah xaqiijinta xuquuqaha muwaadiniinta.

Guddoomiyaha hay’adda NIRA ayaa horay u tagay magaalada Laascaanood, waxaana wararku sheegayaan in howlaha diyaargarowga furitaanka xafiiskaasi ay meel wanaagsan marayaan.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli uu gobolka weli wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo adag, balse safarkan ayaa loo arkaa mid iftiin u yeeli kara dadaallada lagu doonayo xasilinta iyo horumarinta deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa muujiyay xiisad iyo filasho weyn oo ku aaddan booqashada Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo rajeynaya in socdaalkani uu noqdo mid billaabaya wejigii cusub ee wada-hadalka, nabadda, iyo horumarka.

Falanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa safarkan ku tilmaamay “booqasho taariikhi ah” oo xoojin karta wada shaqeynta SSC-Khaatumo iyo dowladda Federaalka. Waxay sidoo kale saadaalinayaan in socdaalkan uu calaamad u noqon karo isbeddel siyaasadeed oo cusub oo ka dhaca waqooyiga Soomaaliya.

Inkasta oo dadka qaar ay isweydiinayaan cidda ugu faa’iido badan booqashadan, haddana waxaa cad in socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid leh saamayn fog, lagana yaabo inuu beddelo jihada siyaasadeed ee SSC iyo guud ahaan gobollada waqooyi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this