Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi miisaan culus oo maanta gaaray Laascaanood ka hor Xamza + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood (Caasimada Online) – Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wafdigan oo hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay hoggaanka maamulka iyo bulshada magaalada Laascaanood.

Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulka SSC ku soo dhaweeyey wafdigaan, halkaas oo kulamo ay uga socdaan.

Soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Laascaanood ayaa loo arkaa mid si cad u muujinaysa in dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay maamulkan ku-meel-gaarka ah.

Inta lagu guda jiro safarka, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo qorshe is-dhaafsi maxaabiis ah oo u dhexeeya labada dhinac ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Laascaanood ay ku xiran yihiin 283 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, halka magaalada Hargeysa-na ay hayso 67 maxbuus oo kasoo jeeda dhinaca SSC.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku dhiirrigelin doonaa maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo inay dardar geliyaan habraaca dhismaha maamul goboleed rasmi ah oo si buuxda uga tirsan dowladda Federaalka. Arrintani waxay ka dhigan tahay tallaabo siyaasadeed oo muhiim u ah gobolka.

Kulammo gaar ah ayaa sidoo kale la qorsheeyay in Ra’iisul Wasaaruhu la yeesho odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda deegaannada Baran, Dahar, iyo Laas Qoray. Ujeeddada kulammadan ayaa ah in la dhiso is-faham siyaasadeed oo ku saleysan awood-qaybsiga iyo nabadgalyada deegaanka.

Mid ka mid ah yoolalka ugu waa weyn ee socdaalka ayaa ah in la dhagax dhigo ugu yaraan toban mashruuc oo horumarineed, kuwaasoo muhiim u noqon doona baahiyaha shacabka ee dhanka adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha nadiifta ah.

490236523_1184977420335529_1825084890973

489948187_1184977410335530_7891119387374

489973296_1184977417002196_6713177892029

489859477_1184977413668863_5585541706350

490078349_1184977400335531_4167602730713

490655202_1184977373668867_4202772472483

490354830_1184977430335528_1715518510258

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this