Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Maydka Jeneraal Sheegow oo diyaarad laga saaray garoonka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)Allah ha u naxariistee, waxaa haatan socota qabanqaabada aaska marxuum Jeneraal Sheegow Axmed Cali, oo saaka maydkiisa lagu wareejiyay ehelkiisa, kaddib markii uu dhowaan geeriyooday isaga oo xabsi ku jiray gacanta dowladda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa salaadda Janaasada lagula tukaday isbitaalka Digfeer, waxaana aaska ka qayb-galay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Liibaan Cali Yarow, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda federaalka oo kasoo jeeda beesha uu ka dhintay.

Maydka marxuumka oo dadweynuhu kasoo qaaday isbitaalka ayaa si lug ah loogu qaaday garoonka Aadan Cadde, halkaas oo diyaarad looga qaaday, waxaana ehelladiisu sheegeen in lagu aasi doono magaalada Jowhar oo uu deegaan ahaan kasoo jeeday.

“Waxaa la isku afgartay in la dhameystiro aaskiisa, dowladdana waxay ogolaatay in Jananka lagu wareejiyo ehelkiisa,” ayuu yiri Dr. Mahad Hashim oo ka mid ah ehellada.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray: “Beesha Jareerweyne ayuu ka dhintay AUN Jeneraal Sheegow, maydkiisana maanta waxaan ku aaseynaa magaalada Jowhar.”

Sheegow ayaa horay loo sheegay in xanuunkiisu uu kasoo bilowday cagaarshow, balse uu ugu dambeyn u dhintay kansar, sida uu toddobaadkii hore warbaahinta u sheegay wasiir ku-xigeenka warfaafinta ee HirShabeelle, Cabdishakuur Shaashaa, oo Jananka qaraabo la ahaa.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay isbitaal geysay Jeneraalka, haddana ehelkiisu waxay ku doodayaan inuu u dhintay dayacaad caafimaad, maadaama uusan helin daryeel ku filan.

Jeneraal Sheegow ayaa loo xiray iska horimaad Muqdisho ku dhex maray ciidamo uu hoggaaminayay iyo kuwa dowladda. Kaddib qabashadiisa, waxaa lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday, wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa haatan socda dadaallo lagu doonayo in lagu sii daayo 22 dhalinyaro ah oo lala xiray Jeneraalka, kuwaas oo ehelladoodu codsanayaan in xorriyaddooda dib loo siiyo.

“Waxaa kale oo jira 22 dhalinyaro ah oo maxaabiis ah, kuwaas oo dowladda u xiran. Howlo farsamo oo haatan socda ayaa jira, marka la dhameystiro iyagana waa la sii deyn doonaa,” ayuu mar kale yiri Dr. Mahad Hashim oo ka mid ah ehellada marxuum Sheegow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this