Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliland oo waqti iyo qarash badan gelinaysa in suuq-geynta qadiyaddeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa warbaahinta dunida qabsaday ololaha aqoonsi raadinta Soomaaliland, ayadoo falanqeeyaal siyaasadeed,wargeysyo caan ah, iyo dublumaasiyiin hore oo reer galbeed u badani ay arrintaas siyaabo kala duwan uga hadlayeen.

Hadal-heynta Soomaaliland ayaa sare u kacday ka dib markii ay dowladda Imaaraadka Carabta casumaad gaar ah u sameysay madaxweyne Cirro, uuna ka qeyb-galay shirka caalamiga ah ee world government’s Summit.

Sidoo kale Mareykanka ayaa dhowaan sheegay inuu qorshaynayo inuu dadka reer Qasa ku soo barakiciyo Soomaaliya, asagoo si gaar ah farta ugu goday deegaanada Soomaaliland iyo Puntland, taas oo Hargeysa ay ka gaabsatay, balse warbaahinta dunidu warisay in masuul ka tirsan maamulkaasi uu xaqiijiyey wada-hadallo u socda labada dhinac.

Sidoo kale maamulka Trump ayay warbaahinta reer galbeedku sheegtay inuu ka fakarayo inuu dhinaca Soomaaliland kala xaajoodo saldhig uu ka helo Barbara iyo xariir gaar ah oo labada dhinac yeeshaan ama xittaa aqoonsi.

Dowladda Mareykanku weli kama hadlin arrintan oo warbaahintu buunbuuninayso, balse Soomaaliland ayaa dhaqaale iyo dadaal gelinaysa sidii ay u sii jiri lahayd hadal-heynta aqoonsi raadinteedu, ayadoo ololeeyaasheeda dibeddu ay Xildhibaanno ingriis ah, iyo aqoontahanno iyo siyaasiyiinta Mareykanka, warbaahinno caan ah, iyo dadka baraha bulshada isticmaala ku qanciyeen inay arrintan ka aragti dhiibtaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland oo dhowaan tagey Minnesota ayaa dadka ka soo jeeda deegaannadaas ee Mareykanka jooga ku tilmaamay wakiilo iyo dublumaasiyiin aqoonsi raadinta ku howlan, asagoo niyad-sami ka muujiyay in Mareykanku garwaaqsan doono ahmiyad Juquraafi iyo hana-qaadka maamul ee Soomaaliland.

Soomaaliland ayaa in ka badan 33 sano raadinaysay aqoonsi ay dunida ka hesho, xilliyo kala duwan ayayna hadal-heyni ka dhalatay fursado la sheegay inay doodeeda dunidu ku aqbali kartay, balse illaa haatan ma jiro dal ku dhiiraday inuu si toos ah ugu dhawaaqo in Hargeysa Xukuumadda Hargeysa fadhigeedu yahay uu u yaqaanno dowlad madax-bannaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this