Sign in to follow this  
Deeq A.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐†๐š๐ซ-๐š๐๐š๐  ๐ข๐ฒ๐จ ๐‚๐š๐ฒ๐ง๐š๐›๐จ ๐ค๐š๐ ๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›-๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ

Recommended Posts

Deeq A.   

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐งimg_9_1744199212400.jpg

img_6_1744199086593.jpg

img_7_1744199103359.jpg

img_5_1744199067853.jpg

img_4_1744199051299.jpg

img_2_1744199030093.jpg

img_1_1744199013685.jpg๐ค๐š ๐†๐š๐ซ-๐š๐๐š๐  ๐ข๐ฒ๐จ ๐‚๐š๐ฒ๐ง๐š๐›๐จ ๐ค๐š๐ ๐š ๐ช๐š๐ฒ๐›-๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐๐š๐ซ๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ง๐š๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ช๐š๐ฒ๐›๐จ ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐๐๐š๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐š๐๐ข๐ข๐๐ค๐จ๐จ๐๐ข๐ข ๐ƒ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Waftigii u hoggaaminayo ayaa maanta deegaanka Tuurka ee Degmada Gar-Adag kaga qaybgalay munaasabad ballaadhan oo lagu qaramaynayey Ciidamo Madani ah iyo Gadiidkoodii dagaalka.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay bulshada degaanka Tuurka, maadaama ay door mihiim ah ka qaateen qaramaynta Ciidanka Madaniga.

Geesta kalena Madaxweyne Ku-xigeenka JSL iyo Weftiga uu hoggaaminayey ayaa gaadhay Xarunta Gobolka Saraar Caynaba, halkaasi oo ay kaga qayb-galeen xaflad ballaadhan oo lagu Qaramaynayey Dufcadii ugu horraysay ee Ciidanka maddaniga ah ee Gobolka Saraar iyo gadiidkoodii dagaalka, kuwaasi oo si toos ah loo qarameeyey, isla markaana lagula kala wareegay Degmada Oog.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Ku-xigeenka JSL oo halkaasi hadalo dhinacyo badan taabanaya ka soo jeediyey ayaa si weyn ugu dheeraday Qorshaha Xukumadda Waddajir iyo Wax-qabad ee Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah, waxana uu yidhi:

โ€œXukumadda Waddajir iyo Wax-qabad waxa ka goโ€™an in ay qaramayso guud ahaanba Ciidamada Maddaniga ah iyo gadiidkoodaba, arrintaasi waa qorshe culus, balse Xukumaddu iyada oo cusub waxa ay door biday in uu Qaranka JSL yeesho hal ciidan oo adag oo wakhtigan xaadirka ah ku fillan difaaca iyo amniga Qaranka JSL.โ€

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this