Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Ahlu-Sunna oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna Waljamaaca oo maalmihii dambe waday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo milatari ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta doorashada Qof iyo Codka ah ee la filayo inay ka dhacdo dalka.

Ahlu-Sunna ayaa maanta si rasmi ah u diiwaan-gelisay urur cusub oo siyaasadeed, kaas oo lagu magacaabo Ururka Dib-u-heshiisiinta iyo Hormarinta Towfiiq, waxaana hoggaamin doona Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo horey usoo noqday madaxii xukuumadda Galmudug.

Sheekh Shaakir, oo ururkiisa la guddoonsiiyay shahaadada rasmiga ah, ayaa soo dhaweeyay doorashooyinka dadweyne ee ay qorsheynayso Villa Soomaaliya in lagu qabto gudaha dalka, isaga oo tilmaamay in doorashadu tahay xal u ah dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

“In dalka doorasho Qof iyo Cod ah ka dhacdo waa daawo; qofkii kasoo horjeedana wuxuu dalka la damacsan yahay burbur iyo in lagu jiro rafaad, diiddana in dalka la badbaadiyo,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Sidoo kale, wuxuu sii raaciyay: “Bulshadu qofka ay doorato way la xisaabtami kartaa; isaguna wuxuu is leeyahay, maadaama lagula xisaabtamayo maalin kasta iyo habeen kasta, is ilaali, yaadan bulshada hortooda ku fadeexoobin.”

Dhanka kale, Sheekh Shaakir wuxuu farriin culus u diray siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ugu baaqay inay ka qayb-galaan doorashada soo socota, ayna diiwaan-geliyaan ururradooda.

“Siyaasiyiinta mucaaradka waa inay diiwaan-geliyaan ururradooda. Haddii ay diiwaan-gelin waayaan, looma joojinayo, dadka Soomaaliyeed baa ka badan,” ayuu mar kale yiri.

Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli dhowaan gobollada dhexe dib looga aas-aasay ciidamadii Ahlu-Sunna, kadib qorshe maalmo kooban ka socday magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, halkaas oo lagu soo bandhigay cudud ciidan oo xoog leh.

Qorshaha dib loogu aas-aasay Ahlu-Sunna waxaa qayb ka ahayd dowladda federaalka, waxaana la sheegay inay xoreynayaan degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee ay Al-Shabaab ka joogaan Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, Ahlu-Sunna waxay haatan dooneysaa inay si toos ah uga qayb-gasho siyaasadda Soomaaliya, ayna u tartanto doorashada soo socota oo loo marayo nidaamka xisbiyada, sida uu horey u shaaciyay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this