Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump oo si uusan jecleysan Netanyahu uga hadlay Erdogan iyo Turkey

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii isku muujiyey inuu yahay dhex-dhexaadiye ka dhex shaqayn kara Israa’iil iyo Turkiga, iyadoo labada dal ay ku tartamayaan saameynta ay ku leeyihiin Suuriya oo xaaladdeedu tahay mid siyaasiyan aad u jilicsan.

Trump oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad, isagoo uu garab taagan yahay saaxiibkiisa dhow ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu “xiriir wanaagsan” la leeyahay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan – taasoo uu ku tilmaamay waddo suurtagal ah oo lagu furfuri karo khilaafka.

“Waxaan u sheegay ra’iisul wasaaraha, waxaan iri, Bibi, haddii aad khilaaf la leedahay Turkiga, waxaan rumeysanahay inaan wax badan ka qaban karo,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha, isagoo adeegsanaya naanaysta Netanyahu ee Bibi.

“Waad ogtihiin, waxaan leeyahay xiriir aad u wanaagsan oo aan la leeyahay Turkiga iyo madaxweynaha dalkaas, waxaana aaminsanahay inaan si wanaagsan uga shaqeyn karno xal u helidda arrintan,” ayuu raaciyey.

“Dhibaato kasta oo kaala dhexeyso Turkiga, waxaan aaminsanahay inaan xallin karno – haddii aad noqoto qof gar leh, waa inaad ahaataa mid gar leh,” ayuu Trump u sheegay Netanyahu.

Turkiga ayaa ah taageere muhiim ah oo u taagan isbaheysi Islaami ah oo xukunka ka tuuray Bashar al-Assad bishii December, kaddib dagaal sokeeye oo dalkaas ka socday ku dhowaad 14 sano.

Saameynta sii kordheysa ee Turkiga ku yeeshay maamulka cusub ee Suuriya ayaa walaac weyn ku abuurtay Israa’iil, taasoo si isdaba joog ah u qaaday duqeymo cirka ah iyo howlgallo dhulka ah oo ay uga gol lahayd in ciidamada dowladda Suuriya looga fogeeyo xuduudda koonfureed.

Trump ayaa u muuqday inuu aqbalayo doorka xooggan ee Turkiga ku leeyahay gudaha Suuriya, isagoo sheegay inuu u sheegay Erdogan inuu “dad kale u adeegsaday si uu dalkaas ula wareego.”

“Waxaan iri, ‘Hambalyo, waxaad ku guuleysatay wax aan cid kale ku guuleysan 2,000 sano – waxaad la wareegtay Suuriya.’ Magacyada way kala duwan yihiin, laakiin micnaha waa mid,” ayuu yiri Trump.

Netanyahu oo booqasho rasmi ah ku joogay Washington, ayaa dhankiisa muujiyey walaaca Israa’iil ka qabto saameynta sii kordheysa ee Turkiga, isagoo ammaanay Trump inuu yahay qofka ugu habboon ee dhexdhexaadin kara labada dhinac.

“Waxaan hore u lahayn xiriir derisnimo oo wanaagsan oo aan la lahayn Turkiga, balse way sii xumaadeen, mana dooneyno in Suuriya loo adeegsado saldhig lagu weeraro Israa’iil – cid kasta ha adeegsatee, ha ahaado Turkiga ama cid kale,” ayuu yiri Netanyahu.

“Waxaan ka wadahadalnay siyaabo kala duwan oo aan uga hortegi karno iska horimaadkan, waxaana aaminsanahay inaan heli karin qof ka wanaagsan madaxweynaha Mareykanka oo arrintan ka shaqeeya,” ayuu raaciyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this