Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Muran la xiriira qaadka Kenya oo ka taagan Madaxtooyada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Ganacsatada jaadka ee ka howlgala magaalada Garoowe iyo deegaannada kale ee Puntland ayaa wajahay khilaaf xooggan oo la xiriira arrimaha soo dejinta jaadka laga keeno dalka Kenya, gaar ahaan nooca loo yaqaan Mirooga.

Khilaafkan ayaa salka ku haya tartan ganacsi oo ka dhex aloosan ganacsatada iyo shakhsiyaad la sheegay in ay xiriir dhow la leeyihiin Madaxtooyada Puntland.

Ilo ka tirsan guddiga ganacsatada jaadka ayaa Caasimada Online u sheegay in shakhsiyaad ka ag dhow Madaxtooyada Puntland ay doonayaan in ay si gaar ah u maamulaan soo dejinta jaadka Mirooga, iyaga oo ku dadaalaya in ganacsatada kale laga joojiyo wax kala soo degidda Kenya.

Ganacsatada cabashada gudbinaya ayaa sheegay in shakhsiyaadkan ay adeegsanayaan awood dowladeed, ayna xiran yihiin shaatiga maamulka Puntland, taasoo ay ku tilmaameen in ay tahay dhaqan liddi ku ah suuqa xorta ah iyo tartanka ganacsi ee xorriyadda ku dhisan.

“Annaga waxaan nahay ganacsato sharciyeysan, canshuur bixiyaal ah, oo si toos ah u keena jaadka dalka. Ma aqbaleyno in dad gaar ah loo xiro suuqii, iyadoo la adeegsanayo magaca dowladda,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada cabashada ka ah Madaxtooyada Puntland.

Dadka lagu eedeeyey in ay arrintan gadaal ka riixayaan ayaa la sheegay in ay doonayaan in jaadka ay keligood kasoo daabuli karaan Kenya, halka ganacsatada kale lagu khasbayo in ay ka iibsadaan, taasoo liddi ku ah sinnaanta fursadaha ganacsi.

Khilaafka ganacsatada iyo Madaxtooyada Puntland la xiriira arrimaha jaadka ayaa horay u soo noq-noqday, iyadoo ay jireen marar hore oo cabashooyin la mid ah laga muujiyey fara gelin lagu sameeyo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga.

Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban fara-gelintaas, ay suuragal tahay in ganacsigooda uu burburo ama ay waayaan tartankii suuqa, taasoo saameyn ku yeelan karta dhaqaalaha hoose ee gobolka.

Maamulka Puntland ayaa weli si rasmi ah uga hadlin eedeymaha ay ganacsatadu u jeedinayaan shaqsiyaadka ku dhow Madaxtooyada, balse ganacsatadu waxay dalbadeen in la joojiyo ku takrifalka awoodda dowladda iyo fara-gelinta tooska ah ee suuqa jaadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this